Maxay tahay farriinta uu CC Shakuur gaarsiiyey ururka OIC?

Jeddah (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan sidoo kale ah ergeyga gaarka ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha ayaa qoraal uu ka siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyey xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Md. Xuseen Ibraahim Dhaaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo haatan ku sugan magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa marka hore xoghayaha uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada ee ka dhashay abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu la wadaagay farriin uu ka siday madaxweynaha oo ku aadan sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha.

Dhankiisa xoghayaha Ururka Islaamku ayaa muujiyey walaaca ay ka qabaan saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay ka go’an tahay dhaqan galinta qaraarkii ka soo baxay kalfadhigii 48-aad ee wasiirada arrimaha dibadda ee OIC ay horraantii sanadkaan ku yeesheen Islamabad ee ahaa garab istaagga Soomaaliya.

Ergeyga iyo xoghaya ayaa sidoo kale isla gartay talaabooyin lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha, sarana loogu qaadayo wacyi ku aadan xaalada abaarta ka taagan Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxa ay ka mid ahayd aas-aasayaashii OIC oo hadda ka kooban 57 dowladood, waxayna had iyo jeer maqaam sare ku lahayd ajandayaasha Ururka.

Si kastaba, kulankaan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaaladdi ugu adkeyd ee arrimaha bani’aadanimada, taas oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.