Maxay tahay halista cusub ee soo wajahday heshiiska Soomaaliya iyo KENYA?

Nairobi (Caasimada Online) – Ayada oo uu todobaadkan dib u bilowday qaadka Miirowga ee ka yimaada dalka Kenya ayaa waxaa haatan soo baxay caqabado horleh oo ku aadan heshiiska ay dhowaan gaareen madaxweynayaasha dalalka dariska ee Somalia iyo Kenya.

Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa soo saaray war cusub, kadib markii ay dib u billaabeen dhoofinta qaadka ay keenaan gudaha Soomaaliya, ayaga oo shaaciyey walaac cusub oo soo wajahay ganacsigooda, waxayna illaa hadda keeneen ilaa 38 tan oo ah jaadka Miirowga ah, kadib labadii maalin ee lasoo dhaafay Isniintii iyo Talaadadii todobaadkan.

Guddiga beeraleyda jaadka Miirwoga waxay sheegeen in haatan ay la kulmeen dhibaatootin horleh, isla-markaana caqabad ku noqon kara heshiiska labada dal, ayaga oo shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay kordhisay lacagaha canshuuraha ee laga qaado qaadka Kenya.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada qaadka Kenya ayaa sheegay in haatan lacag dhan $15 kiiladii qaadka Miirowga lagu geeyo gudaha Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa mid qaali ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ayaa culeys ku keeneyso ganacsigooda, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kalena ay keenayso in aysan la tartami karin jaadka Itoobiya,.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay labada dowladood in ay ka wada-hadlaan arrintaan si aysan u waxyeeleyn heshiiska ganacsiga ee dhowaan lagu gaaray magaalada Niarobi.

Qaadka Kenya ayaa muddo ka xayirnaa gudaha Soomaaliya, kadib go’aan ay kasoo saartay dowladdii madaxweyne Farmaajo oo uu khilaaf kala dhexeeyey xukuumadda Nairobi.

Si kastaba, xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda isbedel uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal.