28 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Maxay tahay rasaasta Baydhaba ka bilaabatay kadib markii Muqdisho looga dhawaaqay in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimadda Online) –  XIldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si aqlibiyad leh u ansixiyey golaha wasiirada ee uu soo magacabay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

224 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, halka 15 Xildhibaan ay diiday, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan, sidaas darteed Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay tahay Xukuumadda ansax.

Haddaba ansixinta kadib waxaa magaalada Baydhabo si qabsatay rasaas ay ridayeen ciidamada dowladda Koonfur Galbeed.

Rasaastaan ayaa loogu dabaaldagayey ansixinta golaha wasiirada, maadaama madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Muqdisho u tagay sidii loo ansixin lahaa xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Sababta ugu weyn ee rasaasta loo ridayey ayaa aheyd in taageero loo muujiyey wasiirka Gaashaandhigga cusub C/rashiid C/llaahi Wasiirka Gaashaandhigga oo ah nin kasoo jeedo Koonur Galbeed, weliba wuxuu ahaan jiray guddoomiyihii Gobolka Baay.

Loolan adag ayaa wuxuu ka dhaxeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan kaasoo ku saabsanaa ansixinta golaha wasiirada oo uu taagersanaa Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Haddaba inta badan siyaasiyiinta iyo madaxda Koonfur Galbeed ayaa taagersan ansixinta golaha wasiirada, waana midda keentay in maanta magaalada Baydhabo rasaas xooggan laga maqlo ansixinta kadib taasoo aheyd dabaaldag weyn.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa maalintii shalay aheyd lagu qanciyey inuu taageero in codka kalsoonida loo qaado golaha wasiirada, waana midda keentay inuu maanta dhaco kulankaas.

Gudoomiyaha oo maanta ka qeybgalay kulankaas inkastoo uusan shir guddoomiyen maadaama uu yahay kusimaha madaxweynaha ayaa baarlamaanka ku amaanay ansixinta golaha wasiirada isagoo ku hadlayey magaca Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaj oo ku maqan dalka Jordan oo uu kaga qeybgalayo shirka halkaas uga furmay Jaamacadda Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News