Muxuu Jawaari ka yari ansixinta golaha wasiirada ee uusan shir guddoomin?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay Ansixinta ay Baarlamaanka ansixiyeen Golaha wasiirada kadib markii maanta ay kulan ku yeesheen xarunta shacabka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la ogaa inuu markii hore si weyn uga soo horjeeday in golaha wasiirada loo qaado kalsoonida Baarlamaanka ayaa markii dambe lagu qanciyey inuu aqbalo.

Haddaba Gudoomiyaha oo hadda ah ku simaha madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey ansixinta golaha wasiirada isagoo weliba ku hadlayey afka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ka qeybgalayo kulanka Jaamacadda Carabta ugu farmay Jordan.

Jawaari ayaa yiri  “Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha , madaxweynuhu waxaa uu idinka mahadcelinayaa sida isdaba jooga ah ee aad himiladiisii u hirgeliseen, doorashadiisii , Ra’isalwasarihii uu magacaabay iyo golihii wasiirada ee aad hada ansixiseen, mahadgaar ah ayuu idiin soo gudbiyey.”

“Golaha shacabka waa arrin maanta ay ku faani karaan shacabka soomaaliyeed , gole sidaasi u cadeynaya dimuqraadiyad ka jirto , gole ka shaqeynaya soomaaliya sidii meel wanaagsan loo geyn lahaa, waa gole aan ku faani karno inaan leenahay” ayuu sii raaciyye

“Wasiirada anaga hambalyo ma niraahno garabkiina allaha galo, waxaan ka sugeynaa waa fulin , addimada iyo gacmaha uu ku dhaq dhaqaaqo golaha shacabku waa idinka (Wasiirada)” ayuu kusii daray

“falanqeynta barnaamijka ra’isalwasaaraha waxaan la sugeyna guddiyada baarlamaanka intay ka dhismayaan , hadhowtona wasiir kasta iyo barnaamijkiisa waxaa dib u eegi doona guddiga howshaasi u xilsaaran baarlamaanka ”

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaan maanta shir ku guddoomineyn fadhigii lagu ansixiyey golaha wasiirada maadaama uusan sharciga ogoleyn kadib markii uu madaxweynaha ka dhoofay wadanka sidaas uu ku noqday ku simaha Madaxweynaha.

Jawaari ayaa aamisan yahay inay is fahmeyn lana xaliyey khilaafkii kala dhaxeeyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaare Kheyre.

224 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, halka 15 Xildhibaan ay diiday, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan, sidaas darteed Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay tahay Xukuumadda ansax.