Sawirro: Sidee loo dhaariyay wasiirada xukuumada Kheyre ee kalsoonida helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow la ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya kadib markii ay cod aqlabiyad ah ka heleen Xildhibaanada BFS.

Kalsooni siinta Wasiirada kadib ayaa waxaa Xarunta Golaha Shacabka ka bilaabatay dhaarinta Wasiirada waxaana si saf ah loo dhaariyay Wasiirada Xukuumada cusub

Gudoomiyaha Maxakmada sare ee dalka Abuukaate Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa dhaariyay Wasiirada Codka Kalsoonida ka helay Xildhibaanada BFS.

Guddoomiyaha ayaa Wasiirada ku dhaariyay in dalkooda dadkooda iyo diintooda ay si daacad ah wax ugu qaban doonaan.

Kheyre iyo Jawaari ayaa la filayaa in dhawaan ay la yimaadaan waxqabad muuqda, waxaana Wasiiradan soo dhaweyay Shacabka.