Kheyre oo fariin cajiib ah u diray shacabka Soomaaliyeed (Maxay tahay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeya Dowlada Somalia.

Kheyre ayaa sheegay inay tabayaan in meesha ay ka maqan tahay kaalinta shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku baaqay in la muujiyo wadashaqeyn dhexmarta Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Kheyre ayaa sheegay in dalka uu u baahayahay dib u dhis iyo hormar, si looga shaqeeyana loo baahanyahay in Shacabka iyo dowladda ay iska kaashadaan dhismaha Dalka.

Kheyre waxa uu ugu baaqay Shacabka inay ka qeyb-qaataan dhismaha iyo dadaalada lagu hormarinayo dalka, oo uu ballan qaaday in Xukuumadiisu ay wax badan ka qaban doonto arinta dib u dhiska dalka, si loo soo celiyo qurxdii iyo wanaagii uu lahaa Dalkeena.

”Wey adag tahay in Umad dhan ay ku noolaadan dhul burbursan oo aan bilic laheyn, adduunka waxa uu hiigsanayaa horumar, waxaana gaarsiinaaya dadkii lahaa dhulka”

”Muddo kooban ayaan dalka ku gaarsiineynaa horumar iyo qurux, waxaanse ka maarmin garabka Shacabka, waayo Dowlad ma shaqeynkarto shacab la’aan”

Baaqa Kheyre ayaa imaanaya xili shacabka Muqdisho ay ka biya diidan yihiin bixinta lacagaha canshuuraha lagu hormarin lahaa dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com