Duuliyaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi oo dib u billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho kaga bilowday duulimaadyada tooska ah ee isaga kala gudbaya magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Duulimaadyada ka baxa magaalada Muqdisho ayaa mari jiray degmada Wajeer halkaasi oo baaritaan saacado qaata iyo dhibaatooyin kalaba ay kala kulmi jireen Soomaalida dooneysa inay Kenya tagaan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, xafladaasi oo xariga looga jarayay duulimaadyada Muqdisho to Nairobi.

Diyaaradii ugu horeysay ayaa sanado kadib maanta ka duushay Aadan Cadde Airport iyadoo ka tagtay garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Diyaarada East Africa ayaana noqotay diyaaradii ugu horeysay oo duulimaadyadaasi sameysa.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay si weyn usoo dhaweeyeen duulimaadyada cusub ee isaga kala gudbaya Nairobi iyo Kenya, waxayna sheegeen inay yaraan doonto culeeskii ay la kulmi jireen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com