Puntland oo ku dhaqaaqday tallaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxda maamulka Puntland ee gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay talaabo wanaagsan oo mudan in lagu daysado, maadaama ay shaaciyeen inay si rasmi ah u fureen waddooyinkii ku xirmay dagaaladii Gaalkacyo ka dhacay.

Duqa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa ku dhawaaqay in dowlad goboleedka Puntland ay si rasmi ah ay u fureen Wadooyin ku xirmay dagaalladii Gaalkacyo.

Waxaa uu tilmaamay in ay si shuruud la’aan ah in ay ku fureen Wadooyinka ,islamarkaana Galmudug laga doonaayo in ay Furaan Wadooyinka xiran dhankooda.

Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Gaalkacyo ayaa ku xirmay dagaalladii u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug ee ka dhacay Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa dadaallo nabadeed waday gudoomiyeyaasha Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland.

Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo ayaa ku qabay dhibaatooyin badan xirnaanshaha Wadooyinka.

Inta badan waddooyinkaan ayaa furmay 8 Febraayo habeenkii la doortay madaxweyne Farmaajo, waxaana muuqatay is dhex galay sameeyeen shacabka magaalada Gaalkacyo ee labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com