Maxaa dib u dhigay wada hadalkii maanta u furmi lahaa Ahlu Sunna iyo Galmudug?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta la filayey inuu si rasmi ah Magaalada Muqdisho uga furmo wada hadal dhex mari lahaa Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ka taliso goobo badan oo kamid ah Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Maamul ayaa xaqiijiyay in dib u dhac uu ku yimid kulanka hayeeshee uu furmi doono maalinta bari ah oo ay ku began tahay 13-ka April halka heshiiskii hore uu ahaa in 12-ka bishan oo manta ah uu bilowdo.

Dib u dhacaan ayaa waxaa sabab u ahaa dabaal degga ciidamada Xoogga dalka iyo maalinta shirka oo isku soo aaday sdaasina maanta loo baajiyay kulankii dhex mari lahaa labada mas’uul maadaama lagu mashquulay ka qeyb qaadashada dabaal degge 12-ka april oo ah maalintii la aasaasay Ciidamada Xoogga Dalka.

Wadahadalka ayaa waxaa la sheegay inuu bilaaban doono maalinta Berri ah, iyadoo la filayo inay kaso baxaan qodobo dan u ah Galmudug iyo Ahlu Sunna si loo dhiso dowladda loo wada dhan yahay.

Sida ay ku heshiyeen dowladda iyo Galmudug, waxaana 30 Bishaan dhici doonto Doorashada Madaxweynimo, waxaana la filayaa inta ka horeyso inay miiska wadahadal fadhiistaan Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com