Maxay tahay sababta keentay inuu Farmaajo Muqdisho isugu waco madaxda Maamul Goboleedyada?

Muqdisho (Caasimadda Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay madaxda maamul Goboleedyada dalka ugu yeeray Magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo inuu dhaco kulan weyn oo ay yeelanayaan maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Caasumadda Shirkaan ayaa waxaa iska leh dowladda Soomaaliya, waxaana loo yeeray dhammaan Madaxda maamul Goboleedyada., waxaan amarkaas bixiyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha Soomaaliya.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa tibaaxeyso in ujeedka shirkaan uu yahay sidii ay dowladda iyo Maamulk Goboleedyada uga tashan lahaayeen shirka dhawaan la filayo in lagu qabto Caasimadda Ingiriiska ee London Bisha soo socoto ee May.

Dowladda Farmaajo ayaa qorsheeneyso inay shirka geyso hal qorsho ay isku waafaqsan yihiin dowladda iyo Maamul Goboleedyada si looga hortago inuu shirka ka dhaco is barbaryaac.

Ujeedka Shirka London ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lagaa dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dib udhiska iyo qorshe cusub oo Soomaaliya loo dhigayo.

Shirkaan wajigiisii hore ayaa waxaa ka qeybgashay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana kaalin libaax leh ku lahaa maamul Goboleedyada dalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com