Maxay tahay sababta keentay inuu Madaxweynaha Galmudug safar deg deg ah ku yimaado Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Axmed Ducaale ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho kula kulmo madaxda dowlada Soomaaliya , ayna ka wada arinsadaan arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay arinta shirka 11-ka bishaan ka furmaya magaalada London ee dalka Britain.

Madaxweyne Xaaf ayaa safarkaan uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho waxa uu noqonaya Kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado Magaalada Muqdisho isagoo madaxweyne ah.

waxa uuna la kulmi doonaa madaxda Dowlada Dhexe ee Soomaaliya oo ay ka wada hadli doona Arimaha Shirka london ee Soomaaliya looga hadli doono.

Madaxweynaha ayaa shirkaas ka qeybgeli doono ka hor inta aan la caleema saarin, waxaana la filayaa in caleema saarkiisa uu ka dhaco Cadaado 20 Bishaan marka laga soo laabto shirka London

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa horyaalo howlo adag oo ay ka mid tahay wada hadalka maamulkiisa iyo maamulka dowadda gobolada dhexe ee Ahlu Sunna .

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET