Maxay tahay sababta uu Prof. Samantar uga qayb qaatey dagaalka Tukaraq?

Waxaa in badan oo dadka Soomaaliyeed ah la yaab ku noqotey in Prof. Axmed Ismaaciil Samantar uu booqasho ku tegey jiida hore ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland halkaas oo dagaallo culus ay ka dhaceen bishii May 2018, ilaa haddana u socdo diyaar garow dagaal.

Prof. Axmed ayaa khudbad kooban u jeediyey ciidanka Somaliland waxaana uu ku boriyey in y difaacaan xuduudka, waxaana uu ku yaboohay 50 neef oo adhi ah in uu ugu deeqay dhiirigelinta ciidanka.

Dhulka Soomaalidu degto waxay u kala qaybsan yihiin beelo, haddaba dhulka uu booqday ee dagaaladu ka socdaan waxaa deggan Beesha Dhulbahante oo ciidamo badan ay ka joogaan jiida dhanka Puntland kuwaas oo dagaal ugu jira in ay xoreeyaan gobolka Sool, Adduunku waxa u ugu yeeraa gobaladaas meel muran ku jiro sababta ayaa ah koox kamid ah beesha oo xilal ka haya labada maamul.

Haddaba waxaa la is weydiinayaa sababta ku xanbaartey aqoonyahankanka tirsan Xisbu xaakimka Somailaland in uu ka qayb-qaato dagaalada tukaraq ka socda? ma fikir isaga ka yimid ayaa mise waxa uu donayaa in uu beddelo wacyi siyaasadeed ee jira.

Prof. Axmed Ismaaciil Samantar oo shaqadiisi hore ka bilaabey Weriye laanta afsoomaaliga ee BBC ayaa muddo dheer ahaa macalin ka tirsanaa Macalester College ee dalka Maraykanka, sanadkii 2011 waxa uu ku dhawaaqey Xisbi siyaasadeed oo la magacbaxay Hiil Qaran. Prof. Samatar si lamid ah walaalkiis waxa u kamid ahaa codadka ugu dhaadheer ee ka so horjeeda Somaliland iyo qaddiyadeeda gooni isu taaga.

Sanadkii 2012 waxa u kamid noqdey Baarlamaankii Soomaaliya, waxaana uu u tartamey xilka Madaxweynaha waxaana uu helay 8 cod oo keliya, muddo kadib waxa uu ka baxay Baarlamaanka kadib markii uu kamid noqon waayey golihii wasiirada oo aad u daneynaayey in uu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibada, oo markaas oo la magacaabey Fawsiya Yusuf.

Sanadkii 2015 Prof. Axmed Ismaaciil waxa uu u diga rogtey maamulka Somaliland, muddo kadibna waxa uu ku biirey xisbiga Kulmiye, laakiin nasiib darro waxa uu aad u doonaayey in uu noqdo Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka taas oo iyaduna noqotey mid uu ku fashilmey. Tan iyo markii uu u wareegay Somaliland wax xil ah kama qaban aan ka ahayn in uu kamid yahay Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Haddaba sababta ku xanbaartey Prof. Samatar in uu qayb ka noqdo dagaalka Tukaraq ayaa la aaminsan yahay in ay laba arrimood ay keentay mid isaga ka timid iyo mid laga codsadey.

  1. Dagaalka Tukaraq ka socda iyo duulaanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi soo qaadey 8 Janaayo ayaa lagu shaabadeeyey in ay yihiin mid ay wadaan laba beelood oo kamid ah Somaliland kuwaas oo samaystey dalada Jeegaan, haddaba si wax looga beddelo fikirkaas caalamkana loo tuso in dagaalka loo dhan yahay ayaa Madaxtoyada Hargeysa ku qal-qaalisey Prof. Samatar in u ciyaaro kaarkiisi u danbeeyey.
  2. Arrimnta labaad ;  waxaa jira tuhun weyn oo hoggaamiyaasha Somaliland ka qabaan Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo  70 sano ku gaarey ka soo horjeedka qaddiyadda Somaliland, waxaana uu qoraalo badan iyo dacwadoba ka sameeyey xasuuqii jamhadda SNM ay ka geystaey gobolka Awdal, haddaba maadaama muddo saddex sano ah uu uu ku sugnaa Somaliland wax xil weyn ah aanu qaban ayuu u arkaa fursaddii u danbeysey ee lagu aamini karo in qaddiyadu ka dhab tahay uuna ka qayb-qaatey dagaalkii ka socdey jiida Tukaraq.

Waxaa is weydiin mudan, maadaama beesha Dhulbahante ay u arkaan cidanka Somaliland iyo wakiilnimada Beesha Hargeysa sheeganayso xuduudka mid ka dhan ah jiritaankooda, dadnimadooda iyo kala lahaanshaha dhulka  waxaana la is weydiinayaa farrinta Axmed Ismaaciil u dirayo beeshaas, dhaxalka ay ku reebi donto ka qayb-qaadashada dagaalka Tukaraq ee uu deeqda geeyey.

Prof. Samanter oo noqdey Bare Jaamacaedeed, ahaa nin furfuran oo ka qaybqaata doodaha Soomaalida, mararka qaarkood kabanka ciyaara oo leh cod debecsan, noqdey Xildhibaan Soomaaliyeed, noqdey Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya, kadibna dib ugu noqdey fikirki uu diidanaa muddada dheer ee kala goynta dalka Soomaaliya, waxay maanta ka mareysaa in xayn adhi ah uga qayb-qaato dagaalka Tukaraq.

W/Q: Maxamed Cismaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid