Maxay Turkiga u joojiyeen lacagtii ay siin jireen dowladda Soomaaliya?

Muqdisho (Casimada Online) – Lacagtii dowladda Turkiga ay bil kasta siin jirta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ee lagu kabi jiray miisaaniyadda dowladda, ayaan muddo la arag, sida maanta uu shaaciyey wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Duceyle Beyle, oo maanta ka hadlayey kulankii xildhibaanada ay wax uga weydiinayeen miisaaniyadda dowladda ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaas aan la arag saddexdii bilood ee ugu dambeysay.

Bishii April ayay ahayd markii Turkiga ay ku dhawaaqeen in dowladda Soomaaliya ay bil walba siin doonaan lacag laba milyan iyo bar dollar ah, oo looga caawinayo miisaaniydda xukuumadda, balse weli lama arag lacagtaas.

“Saddex bilood ma bixin Turkiga lacagtii laga sugayay, waxay dhaheen labo milyan iyo bar ayaa bixineynaa, walina nama soo gaarin” ayuu yiri Wasiir Beyle oo xildhibaanada la hadlay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta ay Turkiga u joojiyeen lacagtii ay siin jireen dowladda Soomaaliya, mana jiraan wax astaamo ah oo muujinaya inuu xummaaday xiriirka dowladda Soomaaliya iyo kan Turkiga.

Lacagta Turkiga ayaa kaalin weyn kaga jirtay miisaaniyadda dowladda, waxaana haddii aan si deg deg ah loo helin ay dhaawac gaarsiin kartaa shaqooyinka dowladda.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com