Maxay Wasaaradda Sport-igu u eegeysaa fool xumada Xulka?

Waxaa mar waliba sii kordhaya guuldarrooyinka ay la soo kulmaan wiilasha ku cayaaraya magaca Xulka Qaranka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo sanad kasta marka ay ka qeyb galaan tartan Sport dhabarka loo soo saariyo goolal fara badan, iyagoo aan ka gudbin wareegga koowaad.

Guuldarradaas ay sanad waliba la soo kulmaan xulka Qaranka Soomaaliyeed xilli cayaareed walba waxa uu sharaf dhac weyn ku yahay ummadda iyo dalka Soomaaliya ee ay magacooda ku cayaarayaan, taasoo sida muuqata aanay jirin cid wax ka qabanaysa.

Ma aha wax lagu faano oo kaliya ka qeybgalka xulka Qaranka Soomaaliya ay ka qeyb gelayaan tartamada caalamiga ah ee waxaa loo baahan yahay in ay  guullo  soo hooyaan, taasoo aanay muuqanin amaba aan laga sugeynin xulka Qaranka Soomaaliya oo ay maamul xumi weyni harreysay, haddii aanay dowladdu soo fara gelinin ama cid kale oo u istaagta aan la helin ay xaaladdu heerkan mid ka sii liidata ku sugnaaneyso.

Sida la ogsoon yahay xukuumadihii dalka soo maray waxa ay la daalaa-dhacayeen sugidda amniga iyo dagaalladii dalka ka jiray oo Sport inuu jiro iyo inuusan jirinba wax war uma aysan heynin oo maba ogeyn, inkastoo wasaarad Sport oo si macmal ah u taagan ay lahayd xukuumad waliba, haddana ma ahayn kuwo shaqooyinkii loo igmaday ka soo dhalaala, waxaana taas ka faa’ideystay shaqsiyaad gaar ah oo gacanta ku dhigay Sportiga Soomaaliya, kuwaasoo NGO-yo u samaystay, dhaqaalana ku soo aruursada iyagoo aan kala jeclayn in uu guulaysto Sportigeena iyo in laga guulaysto, kaliyana eeganaya dhaqaalaha ay ku soo qaadanayaan magaca Sportiga Soomaaliya oo inta badan ay jeebabka ku shubtaan.

Shaqsiyaadka isku bahaystay NGO-ga Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed waxaa xirfadahooda ka mid ahaa inay xitaa heshiis la galaan wasiirradii Sportiga ee 22-kii sano ugu dambeeyay dalka soo maray kuwaasoo ay waxoogaa ka siiyaan dhaqaalaha, kana dalbadaan inaysan Sportiga soo fara gelinin sidaasna ay ku xalaalaystaan gacan ku haynta maamulka Sportiga Soomaaliya oo NGO ahaan ay ugu qaraabtaan, iyagoo ku soo hela lacagaha ugu badan ee cayaaraha lagu bixiyo oo magaca Qaranka Soomaaliyeed ay ku cunaan, iyadoo sanadkiiba la siiyo lacag dhan 250-kun oo dollar, taas oo loogu  talo galay horumarinta kubadda cagta soomaaliyeed, hase yeeshee aanay cidi ogeyn meesha ay ka baxdo, waxaana nasiibdaeeo ah in aanay jirin cid la xisaabtamaysa, maadaama ay iska jeeb garteen wasiirkii qaabilsanaa sportiga.

Inkastoo la oran karo Wasaaradihii Sportiga ee soo maray xukuumadihii dalka Soomaaliya ka hanaqaaday way dayaceen xilkii ka saarnaa Sportiga,  gaar ahaan Xulka Qaranka K/cagta Soomaaliya oo tartan kasta oo ay ka qeyb galaan guuldarro kala soo kulma ayaa haatan xukuumaddan cusub wasaaraddeeda Sporti waxaa laga sugayaa inay dhulka ka qaaddo Sportiga Soomaaliya, iyadoo dadku isweydiinayaan su’aasha ah “Maxay Wasaaradda Sportiga u eeganaysaa fool xumada soo wajahda xulka Qaranka Soomaaliyeed…?

Dowladdu ha ogaato in NGO-ga  maamula xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ay ku dhaqmaan oraahda ah “Maxaa iga galay” {macnaha ha soo badiyaan ama halaga badiyo}, waayo kaliya waxay dani ugu jirtaa dhaqaalaha faraha badan ee ay ku soo qaataan magaca xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Tani waxa ay mar waliba niyad-jab weyn u tahay taageerayaasha Soomaaliyeed ee jecel Sportiga, fool xumana ku tahay Qaranka Soomaaliya, inkastoo guuldaradaas aysan ahayn wax ku cusub dhagaha dadka Soomaaliyeed ee jecel Sprotiga haddana rajo lagama quustee hala daba qabto xulka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana xukuumaddan cusub gaar ahaan wasaaraddeeda Sportiga ka sugeynaa in ay wax ka qabato arrintan muragada Qaran ah.

Laga soo bilaabo sanadkii 2000 ilaa 2012 xulka Kubadda cagta ee Soomaaliya dhammaan tartamadii CECAFA CUP ee uu ka qeyb galay mar kaliya ayuu guulaystay, mar kalena barbar-dhac ayuu galay, waxaana murugada heysata taageerayaasha iyo dadka jecel ciyaarta Kubadda cagta ay sii korodhay tartanka imminka ka socda dalka Uganda oo xulkeena saddexdii kulan laga badiyey, laguna leeyahay (-12 Gool) oo dusha loo saariyey, iyadoo cayaartii ugu dambeysay oo ay 1-dii bisha Disember la yeesheen xulka Tanzania 7 – 0 loogu awood sheegtay, taas oo muujinaysa awood yarida ka muuqata iyo diyaargarowga liita oo ay soo sameeyeen, taasoo ay mas’uuliyaddeeda leeyihiin madaxda Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya.

Ayaandarada ku habsatay xulkeena ayaa waxay tahay iyagoo ka sii hooseeyaa xulka Koofurta Suudaan oo ay tahay markii ugu horreysay oo ay ka soo qeyb galaan tartanka CECAFA  CUP.

Walow kubaddu cad iyo madow tahay, haddana way nagu badatay guuldarada xulkeenee dowladdu haku dedaasho tayada iyo tacliinta ciyaartoyda Soomaaliyeed, waxaana muhim ah in tallaabo sharciyeysan laga qaado, isla markaana lala xisaabtamo ragga caadeystay in qaab NGO ah ugu shaqeystaan magaca xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, kuwaas oo lumiyey magacii iyo sharaftii uu xulka Qaranka Soomaaliya ku lahaa dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA CUP.

By: Caaqil Dalmar 

caaqildalmar@hotmail.com

caaqildalmar@gmail.com