Maxaa guul darrada baday xulka K/cagta Soomaaliya?

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Dalka Soomaaliya waloow uu burburay hadana waxaa intaasi dheeraa dhibaatada uu kala kulmayay caada qaatayaasha oo saameeyay dhankasta haday ahaan laheyd siyaasadda dalka iyo dhanka arrimaha bulshada.

Hadaba xulka qaranka Soomaaliyeed ayaa joogteeyay sanadihii burburka in guul darro loo sii saadaaliyo ciyaar kasta oo ay isku diyaariyaan taasoo rumowda marka lagu soo garaaco in ka badan gool ilaa inta ay quusanayaan kuwa wata calanka quruxda badan ee Soomaaliya.

Markaad maqasho xulka qaranka Soomaaliya ayaa la ciyaarayo xul kale way adagtahay inaad guul saadaaliso, waxaana taasi marqaati looga dhigan karaa niyad xumida ay qabaan dadka Soomaaliyeed oo quus ka taagan horumar ay hiigsadaan ciyaartooyda Soomaaliyeed.

Qofkastoo aad weydiiso ciyaarta Soomaaliya ay la dheeleyso xul kale wuxuu kuugu hadal gaabinayaa “Waaba laga soo badinayaa hee naga daa hadalkooda”, waxaana taasi ugu wacan hab xulista ciyaartooyda oo aan loo maareyn qaab cadaalad iyo sinnaan ku dhisan.

Qaabka loo soo xulo ciyaartooyda qaranka Soomaaliya.

Xulka qaranka sidaannu wada ogsonahay waa magaca matalayo Soomaali weyn meel ay joogto, waxaana loogu tala galay in ciyaartooyda laga soo xulo dhamaan gobollada dalka Soomaaliya si ay dalka oo dhan u matalaan.

Sida warar hoose ay sheegayaan, ciyaartooydii ugu dambeysay ee ka qeyb galay koobka bariga iyo bartamaha qaaradda Africa, ayaa waxaa laga xulay hal degmo oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, marka laga soo tago labo ciyaartooy oo kaliyah.

Ciyaartooydaasi ayaa waxaa ay natiijadoodu noqotay in lagu soo dubto goolal nagtu aanay maqli karin, ilna qabashadeeda daaye, waxaana si cad u muuqaneyso in xadgudbyada kubadda cagta ee Soomaaliya ay dhaawacyaan qaranimada iyo shgarafta calanka Soomaaliyeed.

Ciyaartooydaasi ka qeyb galay koobka bariga iyo bartamaha qaaradda Africa, ayaa muddo sanad ah tababar ku qaadanayay garoon ciyaareed ku yaallo Jamhuuriyadda Djibouti, iyagoo mararka qaarna tababar nafis ah ku qaadanayay Muqdisho.

Sida xog hoose aan ku helnay horraantii sanadkan 2012, ayaa ciyaartooy da’yar oo qurbaha ka timid, una muuqday in qibrad ay u leeyihiin kubadda cagta waxay tageen dalka jabuuti gaar ahaan garoonka lagu tababarayay xulka Soomaaliya waxayna codsadeen in lagu daro liiska ciyaartooyda laakiin dhiirra galin iyo aqbalaad ay helaan iska daaye waxaa loola dhaqmay si ka baxsan muwaadinnimada Soomaaliyeed.

Dhallinyaradaasi oo markii horeba iska soo urursaday qaaradda Yurub ayaa iyagoo niyad jabsan ku laabtay wadamadii ay ka kala yimaadeen, waxaana ay qaadeen cuqdi ku aadan in dalkooda aan laga qadarin wanaagga iyo horumarka.

Maxaa laga dhaxlay Masuqa ciyaartooyda?

Ciyaartooyda waxay guul gaari karaan marka ay heystaan macallin xushmeeya oo ula shaqeeya qaab wanaagsan oo iyaguna ay ixtiraamaan, laakiin waxaa taasi badalkeeda booskii macallinimada Soomaaliya la wareegay sanadkan 2012 macallin ka soo jeeda dalka Uganda oo si iskiis ah u milkiyay booskii macallinimo ee Macallin Geelle.

Sidaan ognahayba ciyaartooyda qaaradda Africa, ee ka qeyb galay kulamadii ay Soomaaliya safka kaga jirtay waxaa xulkastaba uu ballan qaad iyo niyad dhis ka heystay hogaanka dalkiisa uu ugu sarreeyo madaxweynaha dalkastaba.

Xulka Soomaaliya in Madaxweyne, wasiir,xildhibaan ama gudoomiye u hambalyeeyo ee xitaa ma heystaan kalsoonida mid kamid ah madaxda Soomaalida, waxaana eedda ugu badan qaadan karo xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya oo aan waqti ku bixin soo xulista ciyaartooyd hami leh oo lagu soo xulo qaab cadaalad ah.

Sanadkan 2012, waxaa xulka Soomaaliya uu ka qeyb galay kulan taariikhda xun ee Soomaaliya meel muuqata ka galay, wuxuuna noqday sanad uur ku taallo ku reebay bulshada Soomaalida oo niyad xumi ku reebay ciyaartooy badan oo hami ka lahaa ciyaaraha Soomaaliya.

Kulankii koowaad waxay Soomaaliya wajahday dalka Burundi, waxaana lagu fiiqday 5-1, waxaana soo xigay kulankii ay qaabishay xulka Sudan oo ku soo dhamaaday 1-0, waxaana lagu tilmaamay ciyaartaasi midii ugu fiicneyd waloow markastaba la taagnaa shabaqa Soomaaliya, iyadoo guul darradii ugu dambeysay 7-0 looga soo dhexsaday dalka Soomaaliya kadib kulan ay wajaheen xulka Tanzania.

Ciyaartaasi ugu dambeysay waxay farriin u dirtay inta Soomaalinimo sheegato oo qaarkood waa intii garoonka Kampala joogtaye ay ku reebtay uur ku taallo iyagoo ka xishooday calankii ay ku soo labisteen iyo magacii ay wateen ee Soomaaliya.

Guul darrada maxaa nabaday?

Waloow Soomaaliya ay soo mareen dad magac ku leh ciyaaraha nuucyadooda kala duwan sida Cabdi bile Cabdi iyo ciyaartooy kale oo caan ka ah dunida hadana waxaa wali leys weydiinayaa maxaa Soomaaliya guul darrada u joogteeyay su’aashaasi waxaan hordhigay Wariye Ilyaas Cali Cadaani oo warbixinno dhowr ah ka qoray Ciyaaraha Soomaaliya, aadna u falaanqeeya arrimaha Sports-ka.

“Waxaan oran karnaa waxaa dillooday dadkeena Soomaaliya masuqmaasuq ku saabsan, Qabiil, Lacag, Nin jecleysi iyo kanaa ii dhaw, marka waxaan dhihi karnaa tusaale ayaan u heysannaa in laga gudbay waqtigii ay Soomaaliya ku hoos jiri laheyd cagaha dadka danta gaarka wata” ayuu ku jawaabay Mr Ilyaas.

Si looga gudbo guul darrooyinka loona gaaro guulo taariikhda galo maxaa la gudboon madaxda ciyaaraha Soomaaliya, markale ayaan su’aashaasi weydiiyay Wariye Ilyaas.

“Sida aan wada ognahay ciyaartooyda Soomaaliyeed, ma heystaan niyad dhis kaga yimaado madaxweyne, ama masuul kale, tusaale ahaan ciyaartooydii ka qeyb gashay tartanki bariga iyo bartamaha Africa, waxaa qaarkood ballan qaadyo u sameeyay xukuumadihii ay matalayeen, qaarkood waxaa garoomada keenay madaxdoodii sida madaxweynaha Sudan oo illaa garoonka diyaaradaha ciyaartooydiisa geeyay” ayuu yiri markale.

Soomaaliya sanadkan waxay nasiib u yeelatay In calankeeda ay geyso garooman caalami ah iyadoo soo bandhigtay hab ciyaareed cusub sida ciyaartii olombic-kada aduunka iyo ciyaartii ka dhacday dalka Qadar oo ay gebdhaha Soomaaliya meel wanaagsan gaareen hadaba ma la oran karaa dowrka ciyaartooyda qaarkood wuu muuqdaa?

“Haa, maxaa yeelay waad ogeyd, sidii ay gebadha Soomaaliyeed uga soo muuqdeen tartankii ka dhacay dalka Qadar, gebadhahaasi runtii waxaa laga keenay dibadda, waxayna qibrad wanaagsan u lahaayeen ciyaarta ay soo bandhigayeen” ayuu ku soo koobay wariye Ilyaas.

Inkastoo sanadkan 2012-ka uu taariikh ku leeyahya dalka Soomaaliya, isla makraasina la helay dowlad taam ah waxaa wali jirta saameynta iyo masuqmaasuqii 21-kii sano ee la soo dhaafay dillooday dalka Soomaaliya, waxaase rajeyneynaa in laga sii gudbi doono sanadka dambe insha allah.

 Isha: Salaamanews.com