25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Hadalladii la isku dhaafsaday shirka Madasha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdlsho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya oo daah furay shirka madaxda maamul goboleedyada iyo hogaanka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu dalbaday isku tanaasul ay sameeyaan hogaanka Soomaalida.

Wuxuu Xasan Sheikh Sheegay in tanaasulaad la sameeyaa ay keeni doonto horumar wanaagsan oo dalka uu gaaro, balse aysan wanaagsaneyn iney isku mashquulaan madaxda Soomaalida. sida uu sheegay.

“Maanta waa maalin kale oo muhiim u ah qaranka Soomaaliyeed. Waddankeena waxaa uu ku tallaabsadey horumar dhinacyo badan, taasina waxaan ku gaarney waa isku tanaasul iyo dulqaad aan muujinay. Waxaan rajeynayaa inaan meesha ka sii wadno dadaalkeena aan horay ugu dhaqaajineyno dalka si aan u helno Soomaaliya cusub oo ku dhisan nabad, horumar iyo barwaaqo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in barnaamijyada siyaasadeed ee socda ay muhiim tahay inay noqdaan kuwo daah-furan, loo wada dhan yahay, isla markaana leh sharciyad iyo kalsoonida shacabka.

Mudane Sharma’arke ayaa intaa raaciyay in dhammaan hawlahani la qabanayo ay lagama maarmaan tahay in Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in la qorsheynayo in shirka dib u eegista dastuurka uu ka dhaco magaalada Garowe, bisha May ee nagu soo aaddan.

Waxaa isna kulanka sharaxaad ku saabsan barnaamijka siyaasadda amniga qaranka ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte.

Shirka waxaa iyana hadalo ka jeediyay, isla markaana muujiyey taageero ku aaddan geeddi socodka hannaanka siyaasadda ee dalka, Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas & Madaxweynaha Jubbaland (Axmed Maxamed Islaam), Galmudug (Cabdikariim Xuseen Guuleed), Koonfuur Galbeed (Shariif Xasan Sheekh Aadan).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News