Maxay xildhibaannadu u qarinayaan arrinta muranka dhalisay ee ay ku dhaqaaeen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay sameystay mushaar kordhin, kadib kulan wadajir oo ay xubnaha labada Aqal ku yeesheen Villa Hargeysa, kaas oo sidoo kale lagu meel mariyay miisaaniyadda 2024-ka.

Guud ahaan mushaarka xildhibaanada labada Aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa laga dhigay sanadka cusub 2024 $1,645,000, halka uu sanadkii hore uu ahaa  ahaa $1,151,500.

Xildhibaan kasta hadda waxaa loogu kordhiyay lacag dhan $1,500, halka markii hore uu qaadanayay $3,800, taas oo ka dhigay in hadda uu qaadan doono $5,300.

Haddaba maxay xildhibaannadu u qarinayaan lacagta loogu kordhiyay mushaarkooda?

Warbaahinta gudaha ayaa kadib kulankii baarlamaanka ee mushaarka loogu kordhiyay labada Gole waxa ay su’aallo arrintaas ka waydiiyeen xildhibaannada, balse waa ay ka gaabsadeen, waxaana la waayay xildhibaan si cad uga jawaaba mushaar kordhintooda.

Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed oo kamid ah xildhibaannadaas ayaa yiri “Waxa naloogu daray ma’aha wax naf leh oo la sheegi karo, aniga hadda lafteyda afka ayaaba ka ilaalinayaa inaan dhaho mushaar ayaa naloo kordhiyay”.

Xildhibaan Aamino Eelaay ayaa iyaduna ku jawaabtay “Baarlamaanka waa loogu daraa waa laga jaraa wax weyn ma’aha ee aan ka wada-hadalno guusha wayn ee usoo hoyatay Soomaaliya”.

Mar wax laga weydiiyay sababta ay ugu doodi waayeen askarta ku dhinaneysa jiidda hore ee dagaalka ayaa waxa ay ku jawaabtay “Askarta waa loo dooday, annaga waa isku doodeynaa, Soomaali waa u doodeynaa”.

Xidlhibaan Maxamed Beerey isna wuxuu falcelintiisa ku yiri “Issue-gu ma’aha Isseu lacageed, Issue-gu waa Issue in dalka laga gudbiyo marxaladdan adag”.

Ugu dambeyn xildhibaan Cali Xaaji oo laga soo doorto Puntland ayaa isuguna yiri “Waxaa la yiraahdaa qofka lama weydiiyo immisa ayaa jirtaa, mushaarkaaga waa immisa, su’aalahaas kuma jiraan kuwa la’is weydiiyo”.