Maxey DF ka qaadi kartaa Karzai-ga Kenya (Axmed Madoobe) ee Jubbaland?

Hordhac/Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi; Aqristoow waxaan islahaa, inta dowlada Federaalkee Soomaaliya ku mashquulsan tahay maamulka Gal-Mudug, ayuu Karzai-ga Kenya (A.Madoobe) ku shuban doonaa, si foorfaayt ahna ku qaadan doonaa, doorasho ku-sheeg, gacan-kurimis ah, oo uu ku qabto Kismaayo, iyadoon doowladu usoo jeesanba.

Dabcan ma sahlana mana cada, sida dowlada federaalka wax uga qabankato Karzai-ga Kenya (A.Madoobe), maxaayeelay shalay wuxuu ku yimid taangiyada Kenya, duullaankii iyo qorshihii dalka Kenya eey ka laheyd guud ahaan dalka Soomaaliya (Buffer Zone), gaar ahaanna gobolada Jubbooyinka, oo eey rabtay ineey kadhigato, meel eey dowlada Soomaaliya u isticmaasho, iyadaana meesha ku heeysoo, isku halleeynayaa, marka lagasoo tago, ciidamo beeleedka uu dhistay, ee ubadan wiilashii raamaha lahaa, ee gallinka 5-aad, iyo saraakiishi dhiig-cabayaasha ahaa, ee ka tirsanaa maamulkii Cabdi Ileey, ee kasoo baxsaday maamulka Mustafe Cagjar, ciidankaa oo Kenya iyo Imaaraatkana hore ugu hubeeyeen, dilaayaasha xeebta Kismaayo, habeen kasta dadkeey dilaan soodhigana u hogaamiyaan, sida: (1) wasiirka wasaaradaha arrimaha gudaha jubbaland: Maxamed Warsame Darwiish, waana ninkii 2006-dii xasuuqa ba’an ka geeystey magaalada Muqdisho, iyo guud ahaan koonfurta Soomaaliya, xilligii Itoobiyaanka caasimada galeen. (2) wasiirka amniga ee Jubaland: Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), waa ninka cidkastoo Karzai-ga Kenya (A.Madoobe) kasoo horjeesan kartay, ee uu udhalatay dhamaan meelaha kalee daga Jubbaland, gaar ahaan nin-doorkii reer Gado iyo Garbahaarreey kuwada maqan yihiin, illaa Interpol loo gudbiyey magaciisa. (3) Taliyaha Nabadsugida Jubbaland: Khaalid Sheekh Cabdulaahi. (4) Taliyaha Ciidamada Jubbaland: Aadan Maxamed Ibraahim, iyo rag kaloo farabadan, dambiileyaal dagaal ah (War criminals).

Dowlada Federaalka waxeey shalay uga guuleeysatay Shariif Xasan, dhowr arin oo isugu hagaagtay. Waa marka koobaade waxaa xiriirkoodu fiicnaa dowlada Federaalka, iyo maamulka cusube Aby Axmed, ee dowlada dowlada Itoobiya. Waxaa dhanka Itoobiya lagasoo dhameeyey, in dhamaan labadalo saraakiishii Tigreega ahaa, ee  meesha ku hayey Shariif Xasan Sh, Aadan.Waxaana lagusoo wada badalay, saraakiil wada Oromo ah, oo lagula soo dardaarmay, ineey fuliyaan oo kaliya rabitaaanka dowlada Federaalka Soomaaliya, taasoo sahashay in lala wareego garoonka Beeydhabo, lagana soo dajiyo hub, iyo ciidan,  gawaaridii aan xabada karin ee musharaxii dowlada, iyo team-kiisii, iyo waliba dhaqaalihii wax badan lagu kala furfuri lahaa, laguna ridi lahaa Shariif Xasan, dhanka kalana lagu soo saari lahaa musharxa dowlada Federaalka. Ugu dambeyn Shariif Xasan oo ruug cadaa ku ahaa siyaasada Soomaaliya, ayaa arkay in talo farahiisa kabaxday, wuxuuna go’aansaday inuu “Deal qaato” isna casilo.Waana sidii looga takhalusay  Shariif Xasan siyaasad ahaan.

Ma sahlana in qorshihii dowlada federaalka uga takhalustay Shariif Xasan u isticmaasho Karza-ga Kenya (A.Madoobe), maxaayeelay Keyna oo dowlada federaalka isku kacsan yihiin, laguma qancini karo, wixii lagu qanciyey maamulka Aby Axmed ee Itoobiya, sidaa daraadeed waxaa gacanta ugu jira Garoonka iyo dekeda Kismaayo, isaga iyo ciidamada “Masters-kiisee Kenya”.Waxaa ku filan inuu sidii Cabdiweli Gaas-ba sameeyey, ka mamnuuco dowlada dhexe ineey Kismaayaba kasoo dagi karaan, inta doorashada ka dhamaaneeyso, waloow hadaba dad gudaha Kismaaayo u joogaan dowlada federaalka. Sidoo kale dowlada dhexe waxeey ka gaabisay qorshiihii horee ahaa, in marka hore Bu’aale laqabto, halkaa loogu yeero Karzai-ga Kenya, doorashana halkaa lagu qabto, sidaana looga takhaluso Karzai-ga Kenya, nasiibdarro! Qorshahaa inuu sidiisii usocdo, wuxuu isbadalay kadib markuu Karzai-ga Kenya khalkhal dareemay, ogolaadayna inuu dowlada federaalka laheshiiyo, Kismaayana kula kulmay raysalwasaare Kheeyre iyo taliyaha dadbane NISA (defacto leader) Fahad Yaasiin, taasoo aheyd ciyaar siyaasadeed uu la cayaaray, kadibna uga baxay.

Kenya maanta xiriirka Soomaaliya iyo iyada ma wanaagsana. Sidaa daraadeed iyadoo ku xumeeyneeysa Soomaaliya, ayey ku dadaaleeysaa ineey Karzai-geeda (A.Madoobe) si khasab ah u sooceliso, ku shubasho kabacdi. Kenya waxeey ku qanacsan tahay, inuu Jubbaland horjooge usii ahaado Kerzai-geeda, kaasoo heshiiska eey ku yihiin, ineey meesha ku ilaaliyaan, iskana sii joogo, iyagana dhuuqaan dhaqaalaha laga boobo Airport-ka iyo Dekeda Kismaayo, iyo waliba dhaqaalaha eey ka urursadaan dhuxusho sida sharci darada ah looga dhoofiyo gobllada Jubbooyinka.

Waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, maxeey doowladu ka qaadikartaa, waakan isaga xulanaya odayaal uu isaga keensaday, kuwaasoo ukeena min sadex xildhibaanoo, oo inta badan uu u farfiiqo, ineey ka keenaan ciidamadiisa dhexdooda, midkii isaga ugu shubi lahaana kasii xusho. Wuxuu sidoo kale caburin, hanjabaad, caga-jugleyn, iyo ciriiri badan ku hayyaa musharixiintii la tartami lahaa.Wuxuu ku sooragay in maleeshiyo beeleedkiisu ka mas’uul yihiin amnigooda, iyo dhaqdhaqaaqooda intaba. Wuxuu ku amray ineeysan qabankarin, isu soobax lagu taageerayo musharax aan isaga aheyn, meel aan isaga fasax looga heeysana, aaneey ka khudbeyn karin, iskadaa ineey cidii eey rabaan u khudbeeyaane.Wuxuu masaafuriyey odayaal iyo ugaasyo dhan oo beelo leeyihin, kuwo macmal ahna usameeyey, kadib markii eey ku adkeeysteen ineey iyaga oo kaliya leeyihiin, soo xulida cida mataleeysa beelahooda, cidii iyaga eey u arkaana soo xulayaan, oo aaneey marnaba kayeeleenin inuu umeeriyo. Waa su’aale maxeey dowlada federaalka ka qaadikartaa Karzai-ga Kenya (A.Madoobe), mar hadii xaalka Jubbaland sidaa yahay?

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)
Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed
abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid