24.3 C
Mogadishu
Saturday, August 2, 2025

Maxay Puntland ka tiri dagaalka Saaxo ka dhacay ee Galmudug qeyb ka tahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay Dagaalkii dhiiga ku daatay ee ka dhacay Deegaanka Saaxo oo u dhaxeeya maamulka Gal-mudug iyo Puntland, ayaa sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid aan ku lug laheyn Maamulka Puntland.

Axmed Muuse Nuur oo ah Gudoomiye ku-xigeenka maamulka Mudug ee Puntland, ayaa beeniyay dagaalkaasi waxa uuna sheegay in dagaalka uu ahaa mid u dhexeeyay laba beel oo halkaasi wadadega.

Waxa uu sheegay in dagaalada ka socda Saaxo ay yihiin kuwo beeleed, islamarkaana maamulo aanay wax shaqo ah ku lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Muuse Nuur oo ka hadlaayay dagaalka ayaa waxa uu yiri “Waxaan maqalnay in lagu dagaalamay Saaxo, waana beelo halkaasi wada degan, sidaan oo kale ayeey beelo ahaan horay ugu dagaalameen, waa been abuur in aynu wada dagaalnay, qabiilkii ayaa maamulo iska sheeganaya, anaga wax naga dhaxeeyo oo aynu isku hayno malahan, anaga ciidan ma dirin Gal-mudugna uma maleynayo”

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay in ka maamul ahaan ay nabadeyn doonaan beelaha uu dagaalka u dhexeeyo balse iminka aysan jirin wax war oo ay ka hayaan dagaalka.

Shalay ayaa dagaal xoogan waxa uu ka dhacay deegaanka Saaxo oo ka mid ah deegaanada hoostaga gobalka Mudug, waxaana warar shalay soo baxay ay sheegayaan in dhinacyada dagaalamaya ay ahaayeen Puntland iyo Gal-mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News