Maxkamad Amsterdam oo dhageysatay dacwad u dhexeysa maamulka Masjid Soomaalidu leedahay (Daawo)

Amsterdam (Caasimada Online) – Maxamad ku taal Magaalada Amsterdam ayaa shalay bilowday dhageysiga dacwad u dhexeysay Guddigii maamulayay masjidka Quba, oo ah masjid Soomaalidu leedahay oo ku yaal waddanka Nederland. 

Dacwadu waxay u dhexeysaa; Sheekh Suldaan Gasle oo ah iimaamkii masjidka oo dhinac ah iyo Guuleed Wayrax iyo Shiikh Ibraahim [Abuu Khadiija] oo dhinaca kale ah, iyada oo khilaafkani soo jiitamayay muddo sannad ah, waxaanna ku soo baxay culumaaúdiin, waxgarad iyo shaqsiyaad hormuud u ah bulshada, inkastoo ay ku guul-dareysteen  in xal  laga gaaro khilaafka. 

Masjidkan dhulka uu ku  fadhiyo waxaa lagu iibiyay, laguna dhisay dhaqaale laga soo uruuriyay dadka Soomaalida ee ku dhaqan Nederland & wadamada Yurub. 

Masjidkan ayaa kaalin weyn u haya guud ahaan mushtamaca Islaamka, gaar ahaan Soomaalida.

Maxkamadda ayaa markii ay dhageysatay dooda 2da dhinac, u soo jeedisay in muddo 4 toddobaad gudahood ay ku soo wadahadlaan, kuna soo heshiiyaan, haddii ay taasi dhici weyso na in Maxkamadu ay go’aan kale gaari doonto. 

Shiikh Suldaan Gasle oo saxaafadda kula hadlay afaafka hore ee maxkamadda, ayaa isaga oo faahfaahinaya wixii maanta ka dhacay Maxkamadda, wuxuu sheegay in aanu fileyn in khilaafka masjidku gaari doono heer maxkamadeed, haddana isaga oo xusay in isagu lagu qasbay dacwada oo aanu waxba ka qaban karin. 

“Anigu masjidka ma dacweyn, waxaan dacwad ka geeyey waa labadaas nin oo aniga cirdigeyga ku xadgudbay,” ayuu yiri Sheekh Suldaan oo ka la weydiiyay in masjidkii uu iimaamka ka ahaa uu Maxkamad ka dacweeyay. 

Ragga masjidka ku haray oo warbaahintu isku dayday inay la xiriirto markii ay Maxkamadda soo gaareen iyo markii laga soo baxay Maxkamadda ayaa saxaafadda dhabarka u jeediyay, isla markaana diiday in ay wax warbixin ah siiyaan.