Maxkamad saarida nin ajinabi ah oo lagu qabtay baasabooro Somali ah oo markale ka billaabaneysa Mombasa

Mombasa (Caasimada Online) Waxaa maanta dib uga billaabanaya magaala xeebeedka dalka Kenya ee Mombasa dhageesiga dacwad loo heesto nin sannadkii hore lagu qabtay  halkaas isagoo wata baabuur ay ku raran yihiin baasabooro Soomaali ah.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur Americo ayaa saaka boggiisa Facebook soo galiyay war uu ku sheegayo in maanta oo Jimca ah ay dib u billaabaneyso dacwada loo heesto ninka ajinabiga ah.

Wuxuu yiri “ Xamar ayaan ka soo laabtay, haddana waxan ka soo degay Mombasa oo aan Jimcaha maanta ah ay ka billaabaneyso maxkamaddii ninki lagu qabtay furdada Mombasa oo uu Baasaboro soo geliyay container”

Ninkan ayaa horrey maxkamadiisu waxa ay uga dhacday Mombasa, laakin wali go’aan sax ah lagama gaarin.

Dowladda Soomaaliya ayaa rabta in ninkan maxkamadda ay xukunto oo dacwad lagu soo taago, waana lagala wareegay baasabooradii uu watay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi