Maxkamada G/Banaadir oo go’aan ka gaartay dacwad ka dhan ahayd wasiir Janan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa burisay amar soo qabasho iyo horkeenid Maxkamadeed oo ay ka taallay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo sanadkii 2015 Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka uu dacwad ku soo oogay.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ku taariikhsan 30-ka bishii 4-aad ee sanadkan ayaa lagu sheegay in Maxkamadda ay burisay amar soo qabasho ah iyo horkeenid Maxkamadeed oo horay u soo baxday, waxaana lagu faray Hoggaanka Baarista Dambiyada CID in ay xiraan gal dacwadeedka.

Wasiirka Amniga Jubaland ayaa shalay safar lama filaan ah ku imaaday Muqdisho waxaana sida wararka ay Mustaqbal heshay la dajiyay Xarunta Nabad Sugida Soomaaliya ee Habar Khadiijo.

Imaatinka Janan ee Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo bilow u ah dagaalka siyaasadeed ee dowladda federaalka ah ay dooneyso inay ku qaado madaxweyne Axmed Madoobe.

Inkastoo uu Janan yahay nin ka mid ragga ugu awoodda badan Jubbaland, marka loo eego gobolka Gedo, hadana waxaa la ogeyn waxa uu la soo bixi doono, marka dowladdu tashkiiliso, inta uu ku sugan yahay Muqdisho.

Hoos ka aqriso warka ka soo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com