Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku xukuntay askari dilay TALIYIHIISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan aheyd Maxamed Nuur Sheikh Cabdi Waare oo ah askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maxamed Nuur ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dil uu u geystay taliyihiisii oo lagu magacaabi jiray Marxuum Axmed Cali Cabd, kaas oo ahaa taliye Unug ka tirsan Booliska.

Sida ay Maxkamaddu sheegtay dilka taliyahaas ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan xarunta Waaxda Kacaan, 17-kii March ee 2021, iyada oo kadib eedeysanaha lasoo qabtay.

Dhageysiga dacwadda askarigan ayaa soo martay marxalado kala duwan, iyada oo fadhiyo dhowr ahna ay ka yeelatay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Intii ay socotay maxkamadeyntiisa ayaa sidoo kale la dhageystay baarihii kiiskan, qareennada difaacayey eedeysana iyada oo xeer ilaalintana oo soo bandhigtay cadeymaha dilka loo heysto Maxamed Nuur Sheikh Cabdi Waare oo ah askari ka tirsan Booliska.

Habraaca dacwad qaadista oo maanta soo dhammaaday ayaa Maxkamadda Ciidamada waxa ay ku dhawaaqay in Maxamed Nuur Sheikh Cabdi Waar lagu xukumay dil toogasho ah oo qisaasta marxuumkii uu horey u dilay, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsaha ayaa sidoo kale heysta fursad kale oo uu racfaan uga qaadan karo xukunka dilka ah ee lagu ridday, sida ay shaacisay Maxkamadda.

Si kastaba ha’ahaatee Maxkamadda Ciidamada ayaa inta badan xukunno adag ku ridda askarta dilalka bareerka ah ka geysta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.