Maxkamadda gobolka oo Muqdisho ka wada qasab ku fulinta qaraaradii kasoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa weli waxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ka wada qasab ku dhaqan-gelinta xukunadii hore uga soo baxay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa maanta ku wareejiyay dadkii lahaa dhul cabirkiisu yahay 20×15, kaasi oo muddo si sharci darro ah loo haystay, iyada oo si qasab ah ay maxkamadda u fulisay xukunkaan oo muddo soo jiitamayay.

“Dhulkaan muddo ayaa laga haystay oo lagu tasarufayey, maanta waxa Ilaahay suurta-galiyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay la wareegaan xaqoodii ay lahaayeen, iyada oo Booliska Soomaaliyeed ay ka shaqeeyeen burburinta dhulkaan, si loogu wareejiyo dadkii lahaa,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay inay bilaabatay qasab ku fulinta qaraaraddii hore uga soo baxay maxkamaddaha, islamarkaana ay asbuucyada soo socda fulin doonaan tobaneeyo gal oo kasoo dhamaaday maxkamaddaha.

“Dadka dhulalka laga fulinayo ee sheeganaya in cadaalad darro lagu sameeyay, majirto cid cadaalad darro lagu sameeyay, ee ciddii ka cabaneysa fulin lagu sameeyo maxkamaddaha ayay iman karaan.”

Guddoomiye Dabaan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin in wariyeyaasha ay sheegaan in dowladda Soomaaliya ay maxkamadaheeda cadaalad darro ka jirto, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono ciddii gudbisa wax aysan cadeyn u hayn.

“Wariye kasta oo qadaf u geysta hay’addaha dowladda waa lagula xisaabtamaya cmaalaya, wariyihii dhaha dhulkaas cadaalad darro ayaa lagu burburiyay waxaa laga rabaa inuu keeno cadeymaha haddii uu keeni waayan asaga ayaa eedeysane noqonaya.”

Maxkamadda gobolka ayaa hore ugu wareejiyay dadkii lahaa sidan oo kale guri dhaxaltooyo ah, kaasi oo 33 sano si sharci darro ah loo haystay, iyada oo xilligaasi si qasab ah ay maxkamadda u fulisay xukunkaas.

Si kastaba, Maxkamadda ayaa waxaa xilligaan ka go’an meel-marinta xukunada hore u dhacay ee dhulalka, kuwaasi oo waqti badan qaatay inay dhaqan-galaan, balse xilligaan ay meel-marinayaan iyaga oo adeegsanaya awooda ciidanka Booliska.