Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka XASAN iyo BIN SALMAN ee Jeddah?

Jeddah (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan muhiim la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

Kulan-doceedkan ayaa waxay labada dhinac uga wada-hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya & Sacuudiga iyo kobcinta iskaashiga labada dhinac, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxay labada masuul uga wada-hadleen gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ciidamada dowladda iyo ku deegaanka ay ka wadaan gobollada dalka.

Kulanka Xasan iyo Bin Salmaan ayaa kamid ah kulan-doceedyo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda la qaadanayo madaxda kala duwan ee qeybta ka ururka Jaamacadda Carabta, oo maanta shir uga furmay magaalada Jeddah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale maanta halkaasi kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Mudane Mohammed Shia al-Sudani.

Kulankaas ayaa waxay labada hogaamiye uga wada-hadleen xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, iyada oo madaxweynaha uga mahad-celiyay dowladda Ciraaq deynta ay ku laheyd Soomaaliya 67% in ay ka cafiyeen.

Waxay labada dhan isla garteen soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq, sida lagu sheegay bayaan goor sii horeysay kasoo baxay Villa Somalia.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.