Xogta kulamo uu ergey Guuleed la qaatay qaar kamid ah madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Guuleed ayaa weli wada kulamada uu taageero ugu raadinayo ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Ergey Guuleed ayaa kulamo muhiim ah oo kala gooni-gooni ah la qaatay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo kan Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen.

Kulanka ergey Guuleed iyo madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa diirada lagu saaray booqashadiisa ku aadan deegaanada dowlad-goboleedka, si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo aragtiyada masuulliyiinta iyo shacabka maamulkaasi ka qabaan hanaanka loo wajahayo wada-hadallada dib u billaabanay ee dowladda federaalka iyo Somaliland.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ergeyga iyo xafiiskiisa ku dhiira-galiyay dadaalkooda, isaga oo ka aqbalay soo jeedintooda wanaagsan, sidoo kalana u muujiyay garab istaag buuxa.

Ergeyga ayaa dhankiisa madaxweynaha dolwad-goboleedka HirShabelle uga mhad-celiyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshahooda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ergeyga gaar ah ee madaxweynaha.

Dhinaca kale, Ergey Guuleed ayaa sidoo kale kan lamid ah la qaatay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kaasi oo ay ka wada-hadleen safar uu dhawaan ergeyga ku tagi doono deegaanada dowlad-goboleedkaas, si ay u soo dhageystaan tallooyinka shacabka iyo madaxda maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo marayo wada-hadallada.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa aad u soo dhaweeyay dadaalada xafiiska Ergeyga, isaga oo tilmaamtay in uu si buuxda ula shaqeyn doono.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay sida uu uga aqbalay soo jeedintooda iyo sida uu ugu muujiyay garab istaag buuxa.

Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii April u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland.