Maxkamadda gobolka oo shaacisay maalinta lagu dhawaaqayo xukunka Sayid Cali

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markii sedexaad muddeysay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu gubau xaaskiisii oo uur lahayd Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadda ayaa sheegtay in fadhigan uu noqon doono kii ugu dambeeyay, isla- markaana lagu shaacin doono xukunka eedeysanaha, waxayna fadhigan muddeysay maalinta arbacad ah oo ay ku beegan tahay 06/02/2024.

“Maxkamadda iyada oo gudaneyso waajibaadka saaran ee ku xusan qodobada 75, 89 XHCS, waxa ay muddaysay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee summaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024 maalinta arbacada ah ee taariikhud tahay 06/02/2024, saacadduna ay tahay 12:00 duhurnimo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda gobolka.

Sidoo kale waxaa la faray taliyaha qaybta baarista dambiya ee CID-da inuu maxkamadda horkeeno eedeysanaha, maalinta arbacada oo ah kama dambeysta maxkamaddiisa.

Maxkamadda Gobolka ayaa sidoo kale amartay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo qareennada difaacaya eedeysanaha inay soo xaadiraan maalinta la shaaciyay, si ay goobjoog uga noqdaan maxkamadda iyo ku dhawaaqista xukunka ka dhanka ah Sayid Cali.

“Waxay faraysaa xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, qareennada difaaca eedeysanaha in ay kasoo qayb-galaan ku dhawaaqista dacwadda isla taariikhda iyo saaxadda sare ku xusan” ayaa mar kale lagu yiri warqadda ay soo saartay maxkamadda.

Horay maxkamadda ayaa laba fadhi oo kala duwan uga yeelatay kiiskan xasaasiga ah, waxaana la horgeeyay marqaatiyeyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda.

Waxaa kale oo ay maxkamaddu  dhageysatay, isla markaana su’aalo waydiisay eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud, waxa uuna sheegay in xaaskiisa sababta uu u gubay inay tahay maseer darteed, islamarkaana murankii ka dhashay uu keenay dabka in uu qabad siiyo guriga balse waxaa uu ku dooday ujeedkiisu in uusan aheyn in uu dilo xaaskiisa.

Sayid Cali ayaa isaga oo ka jawaabaya mid ka mid ah su’aalaha ay maxkamadda weydiisay ayaa waxa uu sheegay inuu jeclaa xaaskiisa Allaha u naxariiste, uuna soo dhex-galay muran galaaftay nolosheeda, isagoo ku cel-celiyay in uusan kas u dilin, sida uu ku dooday.

”Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tiri nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo gatay, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin jn aan badbaadiyo ayaan isku dayay.”

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana maalintii la gubay kasoo wareegtay muddo bil ah, waxaana weli qoyskeeda la sugayaan ridida xukunka.