Xasan Sheekh: Dhib gudaha ka heysta ayuu doonayaa Abiy Ahmed inuu dibadda u xawilo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey madasha diblumaasiyadda ee Antalya ee dalka Turkiga ayaa ku tilmaamay hogaanka Itoobiya mid doonaya in uu dibadda u xawilo dhibaatooyinka ka jira gudaha dalkiisa.

“Taariikh dheer ayaan leenahay annaga iyo deriskayaga Itoobiya, 6 ilaa 7 qarni, inta bandanna ma ahayn taariikh wanaagsan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay doonayso in taariikhdaas laga gudbo oo la dhiso xiriir dhaqan dhaqaale oo u dhexeeya labada dal.

“Nasiib darro marka uu hoggaanku wajahayo dhibaato gudaha ah oo uu doonayo in uu indhaha dadkiisu ku xawilo arrimo dibadda ah, waa dhibaato halis ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa jira dalal badan oo bad la’aan ah, dhamaantoodna badda way isticmaalaan, waxaana jira qaab caalamku isla oggolyahay oo ku aaddan sida ay dalalka aan badda lahayni uga faa’iideysan karaan badda. Taasi kama dhigna inaad qayb goosato ama in aad saldhig milatari ka samaysato dalkaas,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay kadib heshiis is-afgarad oo Addis Ababa ku dhex maray Somaliland iyo Itoobiya 1-dii Janaayo, kaas oo dhigayey in Itoobiya laga kireeyo 20 KM xeebaha gobolka Awdal ah.

Madaxweynaha oo ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka walaalnimo ee labada dal, heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Soomaaliya ayaa Turkiga u saxiixday heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale, waxaana lagu wadaa in xeebaha Soomaaliya ay yimaadaan ciidamada Turkiga, si badda Soomaaliya looga difaaco Itoobiya.