Jowhar (Caasimada online) Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Shabellaha Dhexe Shiikh Axmed Xaaji Ibraahim (Siid) ayaa sheegay in albaabada la iskugu dhuftay xaruntii Maxkamadaasi.
Arintan ayuu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cbadi Cabdule oo uu sheegay in Shalay Maxkamadaasi uu tagay isagoo Ciidamo lixaad leh wato.
Wuxuu sheegay in isaga iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolku ay isku af fahmi waayeen Shaqaale Xamar laga keenay oo Maxkamada ka howlgalayay kadib uu amar ku bixyay in la xiro Maxkamada sidaasina lagu xiray.
Shaqaalahan la isku qabsaday ayuu sheegay in Gudoomiye ku xigeenku uu ku tilmaamay kuwo aan u diiwaan gashaneyn sidaasi darteedna aysan xaruntaasi ka howl gali Karin halka ,
Dhanka kale Qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Sh/Dhexe ayaa waxay eedeyn u jeediyeen Maamulka Ka arimya gobolka Shabeelaha Dhexe ka arimya .
Afhayeen uhadlay beelaha Shiidle, ayaa sheegay in Maamulka gobolkaas ay Xabsiga utaxaabeen dad shacab ah oo Shir ku lahaa Jowhar, waxaana uu tilmaamy inuusan garaneyn sababta arintaasi ka dambeysa.
Afhayeenka Beelahaasi Islow Xasan Islow wuxuu sheegay in dadka la xiray ay ka shirayeen aayaha deegaanadooda sida uu sheegay .
Dhowaan maamulka gobolkaas wuxuu sheegay in Gudaha magaalada Jowhar aan lagu qaban Karin shir maamulka gobolku naysan ka war heyn.
Caasimada online
Xafiiska Jowhar

