Meydka nin ajnabi ahaa oo lagu arkay magaalada Muqdisho.

Maydka nin ajnabi ah ayaa waxaa lagu arkay Xeebta deegaanka Jaziira ee magaalada Muqdisho iyadoo ay bur bursanayd doonidii uu saarnaa.

Doonidan ayaa waxaa ay ku soo caarisay xeebta waxaana maydka ninka Ajaniba arkay kuluumaysatada ka jilaabta xeebta Jaziira ,iyadoo ay markii hore ay arkeen doon dul sabaynaysa Xeebta kadib ayay ogaadeen Maydka.

Cali Maxamed Abiikar oo kamid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in bur burka doonta laga helay meesha loo yaqaan Jajabka oo Jaziira dhankeeda koofureed u jirta 4-KM.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka dowlada ee degmada Wadajir oo gaaray Xeebta ayaa maydka ruuxa ajnabiga Muqdisho u soo qaaday ,waxaana dadkii arkay ay sheegeen in ninka uu ka soo jeedo wadamada Asia una uu muuqday dhalashadiisa India,Bakistan iyo Bangaladhesh.

Kama aysan Muuqan korkiisa ninkan wax risaas Ama mindi laakiin waxaa loo malaynaya in si qalad ah markab u dulmaray doonida uu saarnaa.