Chelsea, Man United iyo Tottenham oo isku heysta kabtanka Stoke Shawcross.

Ryan Shawcross ayaa qarka u saaran inuu mar kale kusoo laabto Manchester United iyadoo indha-indheeyayaal ka socda Old Trafford ay daawadeen kabtanka kooxda Stoke City.

Daafaca halbowlaha dhexe ayaa lagu daray xulka England ee ka qeyb qaadanaya ciyaarayaha isreeb-reebka koobka aduunka, wuxuuna ka mid ahaa xulkii loo magacaabay inay la ciyaaraan San Marino iyo Poland.

Bandhigiisa cajiibka ah ayaa loo fiirinaayey inuu damac ka galay kooxaha ugu awooda badan Barclays Premier League, iyadoo sidoo kale Chelsea iyo Tottenham ay isha ku hayaan xidigaan, sida laga soo xigtay wargeyska Sky Sports.

Shawcross, waa 25 jir, kasoo baxay Akadeemiga Manchester United, wuxuuna keliya bedel kusoo galay laba kulan oo League Cup intii uu la joogay kooxdiisii ugu horeysay ka hor inta uusan 2008dii u dhaqaaqin Stoke City.

Wuxuu noqday daafac lagu xisaabtamo, kaasoo Stoke la meel dhigay koox aan daafaceeda lagu degdegin oo ka jirta Premier League.

Laakiin Shawcross ayaa ku jira 18 kii bilood ee ugu dambeysay qadaraaskiisa Britannia Stadium waxaana laga yaabaa in Tababare Tony Pulis uu lumiyo daafciisa aadka u adag, oo ay doonayaan kooxo waa weyn.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogdishu, Somalia.