FAALLO: Islaamiyiinta Soomaaliya: Xaalad kala-guur ah.

Maqaalkani waa mid dad badani ay u arkaan inuu xasaasi yahay lakiin anigu aan u arko inuu muddan yahay in wax laga iftiimiyo inta la awoodo.Somaliaoo ah dal ku yaala Bariga Africa waxa uu kaabiga ku hayaa badwaynta Hindiya oo lagu qiyaaso bada ugu saxmada badan caalamka dhinaca kala gooshida maraakiibta shixnadaysan.

Sidoo kalle dalku wuxuu ku dherersanyahay bada cas oo ah marrinka ugu mashquulka badan caalamka muhiimad badane u leh isku socodka maraakiibta. Haddaba hadii aan intaas kaga soo gudbo muhiimada ganacsi ee uu dalku caalamka u leeyahay waxaa iyana maanku lu ka dharagsanyahay in siyaasad kastaa oo dalka ka jirta inay muhiimad u leedahay caalamka ayna tahay inay si feejigan ula soocdan.

Islaamiyiinta Somalia : xaalad kala-guur waa maqaal u baahan in xaqiisa la siiyo si waafi ahna looga hadlo lakiin waxaan ka cudur-daaranayaa inaan ku dheeraan karin sababo jirra awgood ayna tahay inaan ka guud marro intaa aan isleeyahay waa arrin umada ku cusboonaan karta. Islaamiyiin marka la yiraahdo waxaa iska cad in ay ka hadlayso arrimo diin gaar ahaan diinta muqadaska ah ee Islam. Lakiin shanta xaraf ee ka danbeeyaa( iyiin) waxay muujinaysaa inay jirto siyaasad ku salaysan islam ama waxa loo yaqaan (Islamic politics).

Hadaba Islaamiyiinta sooomalia ayaa leh taariikh dheer soona martay maalinba heer lakiin waxa ay ka duulayaani ay ahayd inay maalin un hirgaliyaan siyaasada Islaamka.

Hadaba Islaamiyiinta Somalia waxay ku biloowmeen xaalad dag-dag ah waxayna ku baaheen dhamaan qaybaha kala duwan ee Somalia lakiin waxaa xussid mudan in waqtigaasi ay un ku ekaayeen faafinta manhajkooda iyo sidii ay umada uga dhaadhicin lahyeen waxaana ay isla waqtigaasi fooda isdareen xisbiyo u badnaa suufiyda oo iyagu lahaa goobo cayiman bulshadana aan dhex gali jirrin inkastoo ay ixtiraam wayn ku dhex lahaayeen.

Islaamiyiintu waxay si dhakhsa ah guulo waawayn uga gaareen sal u dhigida fikirkooda waxayna hanteen dugsiyo iyo waliba masaajida oo u ahaa rugta kalliya ee ay ka faafiyaan fikirkooda. Waxaa lawada ogsoonyahay marka laga soo gudbo halganadii xoraynta oo ayba laftirkoodu kasoo qayb-qaateen sida kii sayid maxamed cabdule iyo shiikh bashiir in ay hadana ku lug lahaayeen Islaamiyiintu isku dhacyo siyaasadeed oo aan ka xussi karno kii shuuciyada ee madaxwaynihii hore maxamed siyaad barre. Ma ahan waxaan meesha uga hadlayno inaan halbeeg saarno cidna lakiin waxaan ka xusayaa is badalka iyo kala-guurka ku dhacay Islaamiyiinta.

Kadib burburkii dawladii shuuciga ahayd ee siyaad,Somaliawaxay gashay xaalad mugdi badan waxayna ku dhacday dabin ay adagtahay inay ka baxdo. Islaamiyiintu waxa ay noqdeen cida kalliya ee ka badbaaday burburkaa dalka ku dhacay waxana la sheegay inayba kusii xoogaysteen ayna heeleen fursado badan oo aysan horay u haysan. Halkan waa dulucda maqaalka. Waxa lawada ogaa inay Islaamiyiintu ahayeen urur dhisan kuna taagan tiirar adag lakiin ku ekaa fikir faafin in kastaba haku qaadatee. Markan Islaamiyiintu waxay la soo baxeen siyaasad u duugnayd oo ah inay maamulka dalka faraha aysan ka laaban waxaana la wada ogsoonaa inayba dagaaladiiSomaliaka dhacay kuwii ugu waawaynaa ay ka qaybqaateen waxayna isku badaleen quwad siyaasadeed.

Hase yeeshe halkani waa qayb wayn oo kamida kala-guurka ku dhacay Islaamiyiinta, qaar kamida waxay horboodeen dagaladaas iyagoo aaminsan inay tahay mid ay ku khasban yihiin ayna tahay inay fursadaa ka faaiidaystaan, qaar kalle way ka gaabsadeen waxayna u leexdeen dhankii fidinta fikirkooda, qaar kalle waxay lidi ku noqdeen kuwii kalle oo waxayba la safteen dhinacyadii kalle oo ay dagaalamyeen.

Waxaan kusoo gunaanadayaa suaashan. Ma la is oran karaa kala-guurka Islaamiyiinta waxaa assal u ahaa ka qayb-qaadashada dagaalada dalka mase waxay u ahayd isku day loo baahnaa?

W/Q: Cabdi Jaliil Maxamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.