24.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Meydad iyo dhaawacyo hor tuban saldhig ciidamada Jabuuti ee Beledweyne

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee goordhow lagu qaaday Xarunta ciidamada Jabuuti ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Weerarka Ismiidaaminta ah ayaa waxa uu ka dhacay Saldhig Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM kaasi oo ku yaalla Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Saldhiga ciidamada Jabuuti ee ku yaala xaafada Howlwadaag ayaa laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada Jabuuti taasi oo baqdin kale ku abuurtay shacabka magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in burbur xoogan ay soo gaareen dhamaan dhismayaashii ku yaalay agagaarka saldhiga ciidamada Jabuuti ee qaraxa lala eegtay.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo beegay xili Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Jabuuti uu u khudbeynaayay Askarta weerarka lala beegsaday.

Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa la sheegayaa inuu aad u badan yahay isla markaana dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay yihiin Ciidamo ka tirsanaa kuwa Jabuuti.

Mid kamid ah dadkii Goobjooga ahaa ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarka kadib ay indhahooda ku arkeen ilaa 7 Askari oo dhaawacyadooda goobta laga qaadayo, halka ku dhawaad Lix kalane ay ahaayen kuwo Weerarka ku dhintay, waxaana suuragal ah in Khasaaraha uu intaa kasii bado.

Goobjoogayaasha waxa ay sheegen in Weerarka uu saameyn xoogan ku yeeshay Gaadiid ay lahaayen Ciidamada, balse lama xaqiijin tirada gaadiidkaasi.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay Weerarka waxaana sidoo kale la maqlayaa rasaas ay dadka ku kala eryinayaan ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News