R/W hore ee Somalia oo ku fadeexoobay codsi uu si qarsoodi ah ugu diray Ethiopia

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Dowlada Ethiopia ayaa la sheegayaa in jawaab diidmo ah ay siisay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia, C/wali Sheekh Axmed kadib markii uu dhawaan weydiistay dalab ku aadan in laga taageero dhanka Doorashada.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa la sheegay in diidmadaasi uu bixiyay, waxa uuna ka cudurdaartay in dowladiisa aysan xiligaani aqbali karin taageerida Musharaxiin dheeri ah.

Hailemariam, ayaa C/wali Sheekh Axmed ku booriyay inuu muujiyo dadaal dheeri ah, balse waxa uu ku adkeeyay in dhankooda aysan ka awoodin inay garab kusiiyan doorashada, maadaama xiliga Doorashada Somalia ay tahay mid fooda nagu soo heysa.

Ra’isul wasaarihii hore ayaa ku raja weynaa in Dowlada Ethiopia uu ka helo Jawaab farxad galisa, hayeeshee waxa ay jawaabtaasi ku noqotay mid hoos u dhigta niyadiisa.

Dowlada Ethiopia ayaa miisaan culus ku dhex leh Siyaasada Somalia, waxa ayna inta badan garab siisaa Siyaasiyiinta kuwooda ugu liita.

Docda kale, Dowlada Ethiopia ayaa mustaqbalka dhow ku taameysa in qeybo kamid ah Somalia ay ku biiriso dalkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com