Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa wali taallada SYL ee magaalada Muqdisho lagu arkayaa Meydad laga soo hoos saarayo guryo kusoo dumay Jugtii xalay ka dhalatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hoteel SYL oo ku yaala agagaarka Villa Somalia.
Meydadka goobta lagu arkaayo ayaa u badan kuwo aysan xalay ishu qaban, waxaana iminka badi Meydadkaasi lagu arkayaa luuqa danbe ee Hoteel SYL.
Dadka saaka la arkay meydadkooda ayaa lasoo warinayaa in iyaga oo dhaawac ah ay halkaasi naf kula ordeen balse markii danbe ay u dhinteen dhiigbax.
Waxaa goobta hadda ku sugan gaadiidka gurmadka iyo kuwa Ciidamada Dowlada oo baadigoob ugu jira raadinta meydadka wali ku jira luuqyada.
Goobta ay ismiidaaminta ka dhacday ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamada Dowlada oo xiray dhammaan wadooyinka si loo raadiyo meydadka haraadiga ah ee aan xalay halkaasi aan laga qaadin.
Ma cadda sababta ay laamaha amaanka bilihii ugu danbeeyay u dayaceen amaanka magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]