Meydadka dhallinyaro loo dilay si arxan darro oo lasoo dhigay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fal toogasho ah uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waabariistay meydadka 4 dhalinyaro ahaa oo madax laga-wada toogtay, kadibna lasoo dhigay Qabuuraha Shiiqaasha ee deegaankaasi.

Sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka waxaa dhalinyarada la dilay korkooda ka muuqaatay rasaas, iyada oo aan la ogeyn sababta loo dilay & cidda ka dambeysay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhalinyaradaasi inta aan la dilin,ka hor laga xiray gacmaha, kadibna sidaasi lagu dilay.

Ma jiro weli wax hadal oo kasoo baxay  saraakiisha laamaha ammmaanka, balse waxaa goobta lagu arkay meydadka gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Falkan oo si weyn looga hadal-hayo Ceelasha Biyaha ayaa dadka deegaanka ku abuuray cabsi ka dhalatay toogashada arxan darrada ah ee loo geystay dhalinyaradaasi.