Ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo maanta ku dagaalamay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is-rasaaseyn khasaare geysatay oo xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo ahaa mid kooban ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Geeddi ee degmada Kaaraan, wuxuuna u dhexeeyey ciidamada ammaanka & rag hubeysan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ahaayeen burcad xilligaas dhac u geysaneysay dadka shacab ah, waxaana ka war-helay ciidamada Booliiska oo weerarka ku qaaday, iyada oo kadib halkaasi uu ku dhex-maray labada dhinac dagaal kooban.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof oo ka mid ahaa ragga dhaca geysanayey ayaa ku geeriyooday is-rasaaseyntaasi, iyada oo ay dhaawacyo soo gaareen labo qof oo kale.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan falkaasi geystay khasaaraha kala duwan.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayey falal ammaan darri, gaar ahaan dhac xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka rayidka ah.