Xog: Kulankii ay isku hayeen DF iyo dolwad goboleedyada oo u dhacaya hab cusub

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegeysa in shir u dhaxeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ka furmi doono magaalada Baydhaba, si xal looga gaaro is-mari waaga ka taagan doorashada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wakiilo ka socda dhinacyadan oo ka kooban min laba xubnood ay maanta tagi doonaan magaalada Baydhabo, si ay uga wada-hadlaan qodobada la isku hayo ee saldhigga u ah heshiiskii doorashada ee September 17.

Ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ayaa intaas ku daray in shirkan ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, oo dooneysa in dhammaan qodobada la isku hayo ay heshiis ka gaaraan guddiyadan kahor inta aysan kulmin madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Beesha caalamka ayaa lagu warramay inay arrintan soo jeedisay, si meesha looga saaro fashilka joogtada ah ee ku yimaada shirarka madaxda, kuwaasi oo ay u aragto kuwa badanaa abuura hadal heyn badan, cadaadsi iyo niyad jab.

Wararka ayaa sheegaya in marka guddiyada ku shiraya Baydhaba ay ka heshiiyaan qodobada la isku hayo ay horkeeni doonaan Madaxda Dowlad Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si ay kama dambeysta u saxiixaan, ayada oo la qabanayo munaasabad saxiix. Weli go’aan lagama gaarin halka ay ka dhici doonto munaasabaddaas, waxayse u badan tahay Muqdisho.

Arrintan ayaa imaneysa kadib mrkii Puntland iyo Jubaland ay dhowaan diideen in shir uu soo jeediyey Farmaajo lagu qabto Garoowe, ayaga oo ku baaqay in shirkaas uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Waxay sidoo kale meesha ka saareysa baaqii ay Puntland iyo Jubaland ee ahaa in saamileyda kale ee siyaasadda dalka laga qeyb geliyo wada-hadallada, waxaana muuqata in beesha caalamka ay diidan tahay in wada-hadallada la ballaariyo.

Ma cadda haddii guddiyadan ay awood u yeelan doonaan inay heshiis ka gaaraan qodobo ay isku mari waayaan madaxdii ka sarreysay.