Prof. Jawaari oo sheegay ‘waxa ay tahay in hadda kadib loogu yeero’ Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyahii hore Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Shiekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in madaxweynaha wakhtigiisa dhamaado loogu yeerayo (ku-sime ama sii-haye).

Jawaari oo ka qeyb galaya barnaamij dood wadaag ah oo ka baxayay warbaahinta maxaliga ah ayaa la weydiiyay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaado waxa loogu yeeri karo, wuxuuna sheegay inuu yahay Ku-sime, sidoo kalana awoodaha uu leeyahay ay noqonayaan kuwa aan sidii hore u awood badneyn.

“Madaxweyne waa madaxweyne, wakhtigiisa afarta sano wuxuu ahaa madaxweyne, balse hadda wuxuu noqonaa sii haye, laakiin lama sheeg sheego, waxaa xadidmaaya hawlaha uu qaban karo, tusaale: heshiisyo caalami ah ma gali karo, waxyaalo waaweyn ma sameyn karo, laakiin madaxweyne waa madaxweyne,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Mar kale ayaa su’aal lagu celiyay aheyd, erayga qaanuuniga ah ee loogu yeeri karo maxey tahay? wuxuuna wariyaha ugu jawaabay jawaabay: “Hadda waa ku sime, waana sii haye, labadaba waad dhihi kartaa, laakiin madaxweyne inaad tiraahdo ayaa la qaatay, asagana ha fahmo adna faham inuu xadidan yahay.”

Warbaahinta ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu yeertay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday markii la gaaray 8-da February iyadoo musharaxiinta mucaaradka ay diideen iney madaxweyne u aqoonsadaan.

Sidoo kale maamul goboleedka Puntland ayaa diiday madal uu dhigay Garowe iyagoo ku sifeynaya inuu muddo xileedkiisa dhamaaday, waxeyna ku baaqeen in shirka laga dhigo Muqdisho, waxaana ku taageeray Jubbaland iyo gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Si kastaba Prof. Jawaari wuxuu sheegay in Farmaajo loogu yeeri karo sii hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya tan iyo inta laga helaayo madaxweynaha badalaya.