Meydadka Tahribayaal Soomaali ay ku jiraan oo la keenay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) Sida ay sheegayaan saraakiisha badda maamulka Puntland, waxa magaalada Boosaaso ee gobalka Bari la keenay illaa 18-qof oo tahriibayaal Soomaali ah, kuwaaso ku geeriyooday dooni la sheegay in ay ku degtay xeebta Mareero.

Meydadka dadkan geeriyooday ayaa la dhigay isbitaalka wayn ee magaalada, kaddib , markii ciidamada badda ay soo heleen iyagoo meyd ah.

Waxa kaloo ciidamada ammaanka ay soo heleen shan qof oo ka badbaaday doonida ku degtay deeganka Mareero oo qiyaastii 10-km u jirta bari magaalada Boosaaso.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland Maro Seyban Ugaas Yaasiin oo saxaafadda kula hadashay isbitaalka Boosaaso ayaa sheegtay in dadka dhintay ay isugu jiraan qoomiyadda Oromada ee deeganka Ethiopia iyo kuwa deeganka ah, waxa kaloo ay sheegtay in tallaabo adag uu uga qaaday maamulka Puntland arrimaha tahriibka, balse weli ay tahay musiibadan mid wali socota.

“ Waxa halkan naloogu keenay 18-meyd ah oo isugu jira Oromo iyo dad kale oo Soomaali ah, dadkaas waa dad soo haftay waa dadka badda ku dhacay oo haftay, dowlad ahaan annga tahriibka waxa laga qaadaa tallaabo adag laakin tani waa mid musiibo ah” ayey tiri

Qaar ka mid ah ehalada dadka dhintay qaybtood ayaa yimid Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso, waxana ay saxaafadda u sheegeyn in ay ku aqoonsadeen markii waayeen warkooda tan iyo Axadii.

Si kastaba, Doonida degtay oo ay la socdeen illaa 60-qof oo tahriib ah, ayaa wali lala’yahay 38-ka mid ah dadkii doonta la socday.

Doonida ayaa ka baxday deegaanka Mareero habeenkii Axada, laakin waxa la ogaaday in ay degtay xaley.

Qaar ka mid ah meydadka la soo helay ayaa waxaa jirkooda ka muuqday jirdil loo geystay, sida ay lee yihiin ciidamada badda maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso