Arrin argagax leh oo cusub oo maanta lagu arkay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho, ayaa soo sheegaya in maanta oo Khamiis ah degmada Xamarweyne lagu arkay Meydka qof rayid ah, oo la jarjaray hilibkiisa lana gubay.

Sidda ay dadka deeganka Sheegeen, ninkan wuxuu in ka badan 20 sanno ku noolaa degmadaas oo uu caanna ka ahaa.

Waxaa warar ay sheegayaan in ninkan isagoo hurda ay gubeen dhallinyaro qowleesato ah oo dhuuqda xabagda ama Koolada.

Maamulka degmada Xamarweyne iyo saraakiisha ciidanka ayaa goobta tagay, iyagoona markii ay arkeen meydka qofka isaga soo laabtay, mana jirto wax tallaabo ah oo ay sameeyeen sidda ay noo sheegeen dadkiii goobta tagay.

Mid ka mid ah dadkaas ayaa noo warramay “Walaalow saakay abaaro 8-dii subaxnimo ayaa degmada Xamarweyne waxaa lagu arkay meydka nin miskiin ahaa oo caan ka ah degmada oo muddo dheer halkan degnnaa oo la jarjaray lana gubay, waxaana siddaas yeelay ciyaalka koolada dhuuqa” ayuu yiri goobjooge.

Si kastaba, dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo toddobaadkii horre degmada Xamarweyne ay ka dhacday arrin aad looga naxay, taasoo ahayd gabar iska soo tuurtay Dhismo dabakh ah, kaddib markii loo sheegay in lagu daraayo nin ka da’weyne.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com