Sawirro: Hotel bilicdiisa aan laga qaadi karin indhaha oo Muqdisho laga furay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotel cusub oo la magac baxay Central Hotel ayaa laga furay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho kaasoo ka mid noqonaya hotelada waaweyn ee magaalada ka howlgala

Maamulka hotelka ayaa sheegay in Central Hotel uu yahay Hotel casri ah oo ka kooban qeybo kala duwan sida qeybta Restaurantiga oo laga heli karo cuntooyin kala duwan oo tayadoodu aad u sareysa.

Sidoo kale waxaa Central Hotel uu leeyahay baarkin la dhigto gaadiidka martida iyo macaamiisha hotelka iyo ciidamo gaar ah oo amaanka hotelka suga.

Waxaa hotelka laga heli karaa hoolal waaweyn oo loogu talo galay in lagu qabto shirarka, seminaarada, xafladaha aroosyada, dhalashada iyo munaasabadaha kale ee gaarka ah, kuwaasoo si gaar ah loo qurxiyey loogana shaqeeyey.

Maamulka hotelka ayaa sheegay iney gacmo furan ku soo dhoweynayaan qeybaha kala duwan ee bulshada dooneysa iney Central Hotel la macaamilaan sida qurba-jooga, ganacsatada, waxgaradka masuuliyiinta, ururada bulshada iyo dhamaan cidii daneyneysa hotelka.

Hotelka Central Hotel ayaa ka mid noqonaya hotelada waaweyn iyo dhismayaasha quruxda badan ee qeybta ka ah horumarada kala duwan ee ay ku talaabsaneysay magaalada Muqdisho, iyadoo furitaanka Central Hotel ay soo dhoweeyeen bulshada qeybaheeda kala duwan.

DSC06185
DSC06200DSC06185
DSC06200
DSC06442DSC06443DSC06444DSC06445DSC06446DSC06447DSC06448
DSC06449
DSC06450
DSC06451
DSC06452
DSC06453
DSC06454
DSC06455
DSC06456
DSC06458
DSC06459
DSC06460
DSC06462
DSC06463
DSC06464
DSC06467
DSC06468
DSC06469
DSC06471
DSC06472