Keating iyo Axmed Madoobe oo wada kulmay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan qaatay ku dhawaad Seddex Saac ayaa waxa uu aqalka looga arrimiyo maamulka Jubbaland ku dhexmaray Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminaayay Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating.

Wafdiga ayaa waxaa qaabilay Madaxweynaha Maamulka Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa Cabdullaahi Sh Ismaaciil Fartaag.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay madaxweynaha maamulka oo sheegay in kulankooda uu ahaa mid ku saabsanaa nidaamka doorashada dalka iyo qaabka loo dhaqan galin lahaa qodobadii kasoo baxay shirka wadatashiga ee muqdisho kusoo dhamaaday.

Waxa kaloo uu sheegay Axmed Madoobe in Wakiilka QM ay iska xog wareysteen Siyaasada, Horumarka iyo amaanka Jubbaland, taasi oo uu sheegay in qeyb ay ka tahay socdaalkiisa Kismaayo.

Axmed Madoobe waxa uu sidoo kale sheegay in booqashada Michael Keating ee Kismaayo ay noqoneyso tii ugu horeysay, waxa uuna tibaaxay in waxbadan oo ku saabsan arrimaha maamulka ay u sharaxeen.

Lama oga waxyaabaha ku qarsoonaa kulankooda, waxaana jira warar sheegaya in Axmed Mdaoobe iyo Michael Keating ay isla qaada dhigeen arrimo farabadan oo ku saabsan Siyaasada Cusub ee dalka lagu maamuli doono iyo arrinta la xiriirta doorashada.

Mr. Michael Keating iyo Axmed Madoobe ayaa dhamaadkii bishii hore kuwada kulmay magaalada Muqdisho oo ahaa kulankoodii u horeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com