Xog: Gaas oo diidan in CC uu ka dago Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, ayaa sheegaya in Gaas uu diidan yahay in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid uu booqasho ku gaaro magaalada Garoowe si uu maamulka kala hadlo arrimo dhowr ah.

Ilo wareedka aan xogtaani ka helnay ayaa sheegaya in ujeedka diidmada C/wali Gaas ay tahay ka gadaal markii Sharmaarke uu horay Gaas ugu sheegay in sandulo looga dhigaayo qaadashada nidaamka 4.5.

Go’aanka uu C/wali Gaas ku diidaayo booqashada Sharmaarke ayaa sababtay in dib u dhac uu ku imaado booqasho uu Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia iyo Wafdi ka kala socda Safaaradaha kale ee reer galbeedka ka jooga Somalia.

Michael Keating iyo Mas’uuliyiin kale oo reer galbeedka ah ayaa ku howlan sida Cumar C/rashiid uu ku gaari lahaa magaalada Garoowe.

Ma cadda sababaha ka danbeysay in Gaas uu mamnuuco socdaalka Ra’isul wasaaraha dalka, waxa ayna arrintaasi muujineysaa awoodo gaar ah oo uu isbaday Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com