Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay kulamadii hordhaca ahaa oo ay la qaaten maamulka Puntland.
Michael Keating, waxa uu sheegay in wakhtiga joogitaankooda Garoowe uu aad u yaryahay balse howsha ay qaban doonaan ay aad u badan tahay.
Michael Keating waxa uu sheegay in Puntland ay ku qasban tahay inay aqbasho nidaamka 4.5, waxa uuna tilmaamay in Beesha caalamka aysan cid gaar ah kala tashan doonin wixii ay u arkaan wanaaga Somalia.
Wakiilku waxa uu sheegay in C/wali Gaas uu wali ku dhabar adeegaayo in natiijada kasoo baxday shirkii Muqdisho aysan raali ku aheyn shacabka, balse Mr Michael Keating waxa uu cadeeyay in Beesha caalamku aysan shaqo ku laheyn arrinta uu ku adkeysanaayo C/wali Gaas.
Sidoo kale, wakiilku waxa uu sheegay in magaalada Garoowe aysan kasoo laaban doonin iyaga oo aan wadin natiijo, haddii Puntland ay kasoo dabci weyso go’aankaasi Beesha caalamku qaadan doonto mid kaasi lamid ah.
”Beesha caalamku diyaar uma aha in shaqsi ama laba shaqsi is uruursada ay caqabad ku noqdaan horumarka Somalia, waxaan cadeyneynaa in dadaal muddo farabadan soo socday aanan u hakin doonin dad carrooday ama waayay sida ay wax u rabeen”
Docda kale, Michael Keating, ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay kulamo gooni gooni iyo mig guudba ay isku arki doonaan iyaga iyo madaxda Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

