Jawaari iyo CC oo ka hadlay carada xildhibanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhawaajiyay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kala hadlay arin ay ka caroodeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ka timid dhanka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Maxamed Sheikh Cismaan, oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka ee soo xaadiray kulankoodii maanta ayaa u sheegay xildhibaanada inuu xukuumada Soomaaliya kala hadlay in la ilaaliyo xasaanada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ka carooday hadal uu seddex maalin ka hor ka horjeeday madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku sheegay in madaxda baaritaan lagu sameyn doono marka ay ka duulayaan ama kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in arintaasi ay qasabtay buux hoose oo xildhibaanada dhexdooda ah, waxayna qasabtay in dacwado badan la geeyo xafiiskiisa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in xildhibanada baarlamaanka ay leeyihiin xasaanad ayna dhici karin in la gaarsiiyo marka la baarayo heer uu suunkiisa xitaa uu furo, maadaama laamaha amaanka iyo ciidamadaba ay kamid yihiin golaha fulinta xukuumada.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xildhibaanada isaga oo kala hadlay dhanka amaanka wuxuu soo jeediyay iney noqdaan dad looga daydo ogolaanshaha baaritaanada amaan ee lagu sameynayo, balse xildhibaanada ayaa kasoo horjeestay arintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com