Xog: Xasan oo ergo u diray mooshin wadayasha

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow xafiiska Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu durbadiiba Ergooyin u diray Xildhibaanada ka gudbiyay Mooshinka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ergada uu diray ay isugu jiraan Xildhibaano saaxiib u ah oo ka tirsan Baarlamaanka iyo Xubno kale oo isugu jira Wasiiro iyo la taliyayaal.

Ergada uu xalinta Mooshinka cusub u xil saaray ayaa galaan-gal u leh laha geynta Mooshin wadayaasha, waxa uuna qorshuhu yahay in marka hore awood loo adeegsado kadibna lagu kala eryo dhaqaale sida ay caadaduna aheyd.

Ergada uu diray Xassan Sheekh, ayaa waxaa ka carrooday Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isagu lala baalmaray Ergadaasi.

Jawaari ayaa ka dhoor sugaayay in arrimaha Mooshinkaasi uu Xassan Sheekh isaga kala tashto hayeeshee ma aysan dhicin waxa ayna taasi abuurtay carro degdeg ah oo uu qaaday Jawaari.

Geesta kale, waxaan la ogeyn sida ay Ergadaani u howlgali doonto bacdamaa isku xirihii Xassan Sheekh iyo Mooshin wadayaasha uu meesha ka maqan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com