“Xasan ha cadeeyo haduu maqlay xildhibaanada ayaa is qarxinaya mise..” Waxaa yiri xildhibaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa carro ka muujinaaya Siyaasada iyo bartokoolka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Khadiija Maxamed Diiriye oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ee saxiixay Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegtay in Mooshinkaani uusan ka baxsan doonin Xassan Sheekh.

Khadiija Maxamed Diiriye waxa ay sheegtay in Xassan Sheekh uu lasoo baxay dhaqan aan horay loogu garaneynin, isaga oo fududeysanaaya ajaafeynta Xildhibaanada Baarlamaanka iyo ka beyrida Dastuurka dalka.

Xildhibaanadu waxay sheegtay in Madaxweynaha Somalia uu ku xadgudbay Dastuurka Qaranka, ka gadaal markii ay ku eedeysay inuu soo rogay awaamiir lagu baaraayo Xildhibaanada xiliyada ay safarka ku guda jiraan.

Khadiija Maxamed Diiriye waxay sheegtay in Dastuurku uu qeexaayo inaanan la baari karin Mudane Baarlamaanka ka tirsan, haddii ay dhacdo in la baarana ay xadgudub ku tahay Dastuurka, waxa uuna Xassan Sheekh sidaa kaga beyray nidaamka Dastuurka.

”Xassan Sheekh waxa uu sheegay in baaritaankaasi lagu xoojinaayo amaanka. waxaa iga su’aal ah Xassan Sheekh ma wuxuu maqlay Xildhibaanada ayaa is qarxinaaya ama amniga halis ku ah, isaga ayaan Jawaabta ugu fadhinaa”

Dhanka kale, Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye waxa ay ka digtay in dharcadka NISA ee ku sugan garoonka Aadan Cadde iyo kuwa Booliska aysan gacanta la gali karin Boorsooyinka iyo gaadiidka ay wataan Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com