TURKISH Airlines oo shaacisay sabab aan laga fileyn oo ay MUQDISHO kaga soo dagi weysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada Duulimaadyada Turkish Airline ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay waxyaabaha keenay iney joojiso duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya tan iyo waxii ka dambeeyay qaraxii ka dhax dhacay diyaarada Daallo.

Afhayeen u hadlay shirkadaasi ayaa si adag u difaacay in amni daro darted ay u hakiyeen duulimaadyada Shirkada ee magaalada Muqdisho, waxaase uu ku difaacay shirkada in hawada oo aan wanaagsaneyn sabab u aheyn joojinta duulimaadyadooda.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Yahye Ustun ayaa sheegay in shirkadooda aysan u baaqay qaraxii ka dhacay diyaarada Daallo, balse ka hor ay shaaciyeen in hawada oo aan wanaagsaneyn kaga baaqdeen duulimaadyadoodii magaalada Muqdisho.

Wuxuu si adag u beeniyay in xogo dhanka sirdoonka oo ay heleen darted kaga baaqdeen safaradoodii magaalada Muqdisho, waxaana aad loogu sii tuhmay rakaabka raacay maalintaasi raacay diyaarada Daallo oo shirkada Turkish ay laheyd.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in qaraxa lala damacsanaa shirka Turkish, balse ay sii joojisay safaradeeda magaalada Muqdisho iyada oo rakaabka ku sugeysay dalka Jabuuti.

Waxaa la weydiiyay iney xogo kasii hayeen ruuxa la tuhunsan yahay inuu Daallo isku qarxiyay maadaama uu kamid ahaa rakaabkooda, waxaana uu shaaciyay in marnaba sababo amaan aysan uga baaqan duulimaadyadoodii magaalada Muqdisho.

Waxaa shaki badan dhaliyay qaraxii 2-dii Bishan February ka dhex dhacay diyaarada Daallo, maadaama rakaabka maalintaasi Daallo ay waday u diiwaan gashanaayeen shirkada laga leeyahay dalka Turkiga ee Turkish Airline.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com