Garowe (Caasimada Online) – Iyadoo kulan loo dhanyahay uu aqalka Puntland looga arimiyo uga socday Madaxweynaha Mamaulka Puntland C/wali Gaas, Xubno ka kala tirsan labada Gole iyo Wafdiga uu hogaaminaayay Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.
C/wali Gaas ayaa kulankaasi ka sheegay Erayo ay aad u dhibsadeen Wafdiga Beesha Caalamka kaga sugnaa shirka, waxa uuna Gaas halkaasi ka sheegay in qaska Somalia ay kaalinta koowaad ka qaadaneyso Beesha Caalamka.
Gaas waxa uu sidoo kale shirkaasi loo dhamaa ka sheegay in mar waliba ay Beesha Caalamka garab siiso cida ay u aragto inay ku garbineyso danaha ay Somalia u joogto taasi oo argagax ku riday Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo Safiiradii kale ee la socday.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in C/wali Gaas uu cod dheer ku sheegay inuusan mudneyn in lagu soo booqdo hooygiisa, kadib markii uu sheegay in Beesha Caalamka kaliya ay wax ka maqasho Dowlada Somalia, go’aan walibana uu yahay mid aan lagala tashan maamulada dalka.
Erayada uu C/wali Gaas u adeegsaday Wakiilka QM ee Somalia iyo Safiirada la socday ayaa waxa ay niyad jab galiyeen Mas’uuliyiintaasi.
Si kastaba ha ahaatee shirka kadib waxa ay Beesha caalamku kulanka ka dhex dalbadeen in maanta oo Arbaco ah ay kulan aad u ballaaran madaxda maamulka kula qaatan madaxtooyada maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

